Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqa ay mucaaradka ka bilaabeen aagga xeebta Liido, gaar ahaan Mirinaayo oo uu maanta dagay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Sheekh Axmed oo halkaas loogu geeyay Geel, kadib booqasho ay ugu tageen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beesha uu kasoo jeedo ee Agoonyar Gaabane.
Jaamac ayaa ku eedeeyay xubnaha mucaaradka inay doonayaan carqaladeynta amniga caasimada, gaar ahaan meelaha loo Dalxiis tago oo ay ku jiro xeeta Liido ee degmada Cabdicasiis
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay inay ku xiran yihiin dalal shisheeye, ayna doonayaan inay lacago uga qaataan fawdo la geliyo dalka, sida uu hadalka u dhigay.
“Qoladii Beerka iyo kelida ariga Ajaanibtii xariga u heysey waxay ku xujeeyeen iyagoon Xamar xabad ka ridin in qarashka harsan loo soo fasaxeynin. Markaasaa waxay qoryo la soo aadeen magaalada meelihii loo soo damaashaad tageeyey oo ay ugu horeyso xeebta Liido,” ayuu yiri Jaamac.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Bal shacabkeygiyoow nimankaas maxaan ku tilmaanaa! Alla nimanku cadowsanaa oo horumarka Shacabka Muqdisho nebcaa!,”
Jawaabta dowladda ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan mucaaradka ay wadaan abaabulkii ugu dambeeyay ee dibadbaxa ay iclaamiyeen 4-ta June, kaas oo ay sheegeen inay ku diidan yihiin muddo kororsiga halka sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka la barakicyay.
Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac ee ka dhalatay is faham-waaga ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka guud ee dalka.
Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyso xiisadda labada dhinac oo salka ku haysa muranka ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.

