26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 3, 2026

Kheyre oo sheegay in isku-day dil ka badbaadeen isaga iyo Ugaaska Murusade

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay dagaalkii galabta ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in la soo weeraray isaga iyo Ugaaska cusub ee beesha Murusade.

Kheyre ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa isku-day lagu doonayay in lagu dilo isaga iyo Ugaas Cabdirisaaq oo dhawaan la caleemo saaray.

“Annaga oo shir kula jirna Ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka ayaa waxaa weerar nagu soo qaaday ciidan ka amar qaata taliska uu hoggaamiyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday,” ayuu yiri Kheyre oo ka hadlay dagaalkii maanta.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in khasaare kasta oo ka dhasha falkan ay mas’uuliyaddiisa qaadi doonto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ugu yeeray “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.”

“Khasaare kasta oo ka dhasha falkan waxaa mas’uuliyaddiisa qaadaya Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo muddaysan,” ayuu yiri Kheyre.

Ugu dambeyn, wuxuu Alle uga baryay inuu u naxariisto dadkii ku dhintay iska horimaadka, isla markaana uu caafimaad degdeg ah siiyo kuwii ku dhaawacmay.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ayaa sii korortay saacadihii u dambeeyay, iyadoo mucaaradku magaalada ku soo bandhigay awood ciidan, halka dhinaca kale ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo wada-hadal.

Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad dhex-dhexaadinaya labada dhinac ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wada-hadal, haddii mucaaradku ka laabto qorshaha bannaanbaxa isla markaana ay dib ugu noqdaan aagga xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay hore uga soo guureen.

Hase yeeshee, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku adkaystay inay sii wadi doonaan qorshahooda bannaanbaxa, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal, balse aysan ka tanaasuli doonin isu-soo-baxa weyn ee ay qorsheeyeen in berri lagu qabto nawaaxiga Villa Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News