26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 3, 2026

Odowaa oo si kulul uga hadlay weerarkii Kheyre: Xasan damicii ayaa indho tiray

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa si adag uga hadlay dagaalkii galabta ka dhacay degmada Hawl-wadaag, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo ciidamada ilaalada u ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Odowaa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh dusha u saaray mas’uuliyadda weerarkii galabta, isagoo sheegay in tallaabadan ay caddeyn u tahay sida uu damiciisa kursiga uga indho tiray xaaladda taagan.

“Weerarka galabta uu soo qaaday Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday waxa uu daliil u yahay in damaciisu indha tiray, diyaarna u yahay dadka u laayo muddo kororsiga gardarrada ah ee uu kaligiis wato,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Wixii soo gaara ugaaska beesha Murusade, madaxda halkaas joogta iyo shacabkaba waxaa mas’uuliyaddeeda qaadaya Xasan Sheekh Maxamuud.”

Odowaa iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo hore saaxiibo dhow u ahaa ayaa isku khilaafay hanaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka dastuurka, kadib markii madaxweynuhu ku adkeystay in dastuurka cusub uu dhaqan-gal yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, taas oo hore uga dhacday gobolka Banaadir iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana uu haatan doonayo in maamullada kale lagu soo doorto hanaankaas, iyadoo muran badan uu ka taagan yahay.

Madaxweynaha oo dhowr jeer sheegay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto mucaaradka ayaan weli wax tanaasul ah ka muujin qorshihiisa doorashooyinka, taas oo sii adkaysay xaaladda murugsan ee siyaasadeed.

Si kastaba, xiisaddan oo haatan u muuqata inay isu rogtay gacan-ka-hadal ayay si weyn uga digaysaa beesha caalamka, oo dooneysa in la gaaro xal loo dhan yahay, isla markaana marxaladda kala-guurka ah looga gudbo doorasho ay dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News