26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 3, 2026

Guriga Shariifka oo ciidamo la dul dhigay iyo iska hor-imaad caawa ka dhacay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iska horimaad muddo daqiiqado kooban socday ayaa ka dhacay agagaarka bar koontarool oo ku dhow hoyga uu madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, ka degan yahay xeebta Liido, kaas oo dhex maray ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Shariif Sheekh Axmed.

Iska horimaadka, oo socday muddo kooban, ayaa waxaa la maqlayay rasaas culus, iyadoo daqiiqado gudahood ay xaaladdu noqotay mid deggan. Dagaalkan ayaa ku billowday si kedis ah oo lama filaan ah.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa ciidamo xooggan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo qoryaha culus dhigtay waddooyinka gala guriga uu Sheekh Shariif ka degan yahay xeebta Liido, gaar ahaan gurigii madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Ciidamadan, oo xiray waddooyinka, ayaa gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqyada kale ka hor istaagay inay gudbaan, taas oo culeys ku ah Shariif Sheekh Axmed, maadaama la xaddiday isu socodka dadka iyo gaadiidka ku sii jeeda hoygiisa.

Sidoo kale, qeybo kale oo ka mid ah magaalada ayaa la dhigay ciidamo xooggan oo xiray waddooyinka, isla markaana xaddidaya isu socodka gaadiidka.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa galabta dagaal muddo socday ku galay bar koontarool oo ay ku lahaayeen aagga uu degan yahay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Taliska booliska ayaa sheegay in kooxo maleeshiyaad abaabulan ah ay weerareen bartaas koontarool, halkaas oo boolisku ku sugayay amniga.

Guud ahaan, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa xilligan ah mid laga dareemayo xiisad iyo kacsanaan, iyadoo dadku ay ka cabsi qabaan in gacan ka hadalku uu intaas ka sii ballaarto.

Kooxaha mucaaradka ayaa doonaya in dowladdu aysan hor istaagin dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Muqdisho, kuwaas oo loogu diyaar garoobayo bannaanbax ay mucaaradku uga soo horjeedaan muddo-kororsiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadaallo ay wadeen waxgarad uu hoggaaminayo Ugaaska beesha Mudullood, Maxamuud Cali Ugaas, iyo xubno siyaasiyiin ah ayaa u muuqda kuwo guul-darraystay. Dadaalladaas ayaa la iskugu dab qaadayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News