Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho oo qoraal soo saartay ayaa si adag uga hadashay dagaalka ka qarxay magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimada.
Mareykanka ayaa dagaalladan ku tilmaamay kuwa mas’uuliyad darro ah, isaga oo labada dhinac ugu baaqay inay is xakameeyaan, isla markaana ay khilaafkooda ku dhameeyaan deganaan iyo miiska wada-hadalka.
“Dagaalada ka dhacaya Muqdisho waa kuwo mas’uuliyad darro ah. Hogaamiyeyaasha Soomaalida ee dhinac kasta ah waxaa saaran mas’uuliyad ah inay dhowraan xasilloonida, ayna khilaafaadka ku xalliyaan hab nabadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa digniin kasoo saaray dagaalka oo soo bilowday gelinkii dambe ee shalay, soona gaaray illaa maanta, wuxuuna sheegay in sii socoshadiisa uu saameyn karo amniga, midnimada iyo wadajirka bulshada.
“Tallaabooyinka la qaado saacadaha iyo maalmaha soo socda waxay saameyn waarta ku yeelan karaan amniga, midnimada, iyo mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Digniinta Mareykanka ayaa timid, iyada oo xaaladda faraha ay ka baxday, isla markaana mucaaradka iyo dowladda ay dagaallo culus ku dhex-marayaan degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag oo ay soo dageen Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre, kuwaas oo abaabul culus ka bilaabay halkaasi.
Madaafiic iyo hub culus ayaa laga maqlayay tan iyo xalay meelaha uu dagaalku ka dhacay, taas oo keentay in dadka degan caasimada aysan seexan, sababo la xariira daryanka xabadaha ay is waydaarsanayaan labada dhinac.
Dhanka kale, Booliska Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa ku dhawaaqay inuu gabagabo yahay howlgal ay sheegeen inay wadaan ciidamada ciidamada amniga, kaas oo ka dhan ah ciidanka u dagaalamaya mucaaradka dalka.
Si kastaba, Xaaladdan soo korortay ayaa durbo saameynteeda laga dareemay magaalada Muqdisho, maadaama uu faraha ka baxay amniga, isla markaana dagaalka uu sameeyay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga intaba.


