28.3 C
Mogadishu
Thursday, June 4, 2026

Maxaa ka jira in hakad ay galeen duulimaadyadii garoonka Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay in hakad ay galeen duulimaadyadii diyaaradaha ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, sababo la xiriira dagaalka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ee ka qarxay gudaha magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda ayaa waxaa lagu beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in dagaalka socda uu saameyn ku yeeshay howlaha garoonka, balse wuxuu maamulku sheegay in xaaladdu dagan tahay, shaqadana ay u socoto sidii loogu talagalay.

“Wararka la isla dhexmaraayo baraha bulshada waa been abuur iyo wax kamajiraan, duulimaadyaduna waa caadi,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Hay’adda Duulista Rayidka ayaa shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay in duulimaadyadii qorsheysnaa maanta ay sidoodii yihiin, isla markaana, uusan jirin wax duulimaad ah oo u baaqday dagaalka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxa ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaysaa in dhammaan duulimaadyadii qorshaysnaa maanta ee Garoonka Aadan Cabdulle 4-ta June 2026 ay sidoodii u jiraan, aanayna jirin wax duulimaad ah oo baaqday,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo bayaanka uu kusii daray “Rakaabka u safaraya gudaha iyo dibada (local & international) waxaa ay HDRS lasocodsiinaysaa in duulimaadkoodii uu caadi yahay wax isbedel ahna uusan ku imaan adeegyada Garoonka Aadan Cabdulle (Muqdisho)”.

Xaaladd Muqdisho ayaa hadda deggan, waxaana lagu soo warramayaa inuu istaagay dagaalkii ka socday aagga guriga uu Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre ka dagay degmada Howlwadaag, kadib dadaallo dhex-dhexaadin ah oo la sameeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadeeda dib uga saartay aagga lagu dagaalamay, waxaana la filayaa in faah-faahin ay ka bixiso dagaalka ay la gashay mucaaradka oo dhaliyay khasaare xoogan, inkastoo aan weli la shaacin inta uu gaariisan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News