28.2 C
Mogadishu
Thursday, June 4, 2026

Maxay QM iyo IGAD ka yiraahdeen dagaalkii Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay oo warsaxaafadeed kasoo saartay xaaladda Muqdisho ayaa walaac ka muujisay iska hor imaadyada hubeysan ee u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka dalka, kuwaas oo saacadihii ugu dambeeyay isku fara saaray xaafado ka tirsan gudaha caasimada.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa waxaa walaac xooggan looga muujiyay dagaalka ka dhex-qarxay labada dhinac, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay mas’uuliyad muujiyaan, ayna joojiyaan colaadda dhexdooda ah OO halis gelin karta xasiloonida dalka iyo nolosha dadka rayidka ah.

“UNTMIS waxay aad uga walaacsan tahay dagaalkii xalay ka bilowday Muqdisho, waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan hoggaan mas’uuliyad leh, ayna joojiyaan colaadda, kana fogaadaan falal kasta oo halis gelin kara nolosha dadka rayidka ah, iyadoo dib loogu laabanayo wada-hadalka si loo dhowro danta dhammaan Soomaalida,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in dhibaatooyinkan ay horay uga digtay, gaar ahaan in dib loogu laabto marxaladihii dagaalka ee laga soo gudbay.

“UNTMIS iyo saaxiibbada caalamiga ah waxay dhowr jeer oo hore uga digeen bayaanadoodii iyo kulamadii ay la yeesheen dhinacyada ay khuseyso—halista ay leedahay in ay soo laabato dhibaatadii dhalatay sannadkii 2021-kii, taas oo salka ku haysay khilaafaadkii ka dhashay doorashada; digniinahaas oo nasiib darro aan la tixgelin,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka

Waxaa kale oo ay labada dhinac ku boorisay inay dib u bilaabaan wada-hadallada xalka loogu raadinayo khilaafka ka dhashay hanaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka. “UNTMIS waxay ku boorrinaysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, dibna u bilaabaan wada-hadalladii istaagay 15-kii May. Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay diyaar u yihiin inay fududeeyaan wada-hadallada”.

Dhanka kale, Urur Gobaleedka IGAD ayaa muujiyay walaac weyn oo ku saabsan wararka la xiriira rabshadaha ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya oo ka jira gudaha Soomaaliya.

IGAD ayaa sidoo kale cambaaraysay dhammaan falalka rabshadaha wata, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay muujiyaan is-xakamayn buuxda, ayna yareeyaan xiisadaha, islamarkaana ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal nabadeed, loo dhan yahay, oo wax dhisaya.

“Xilligan xasaasiga ah, ilaalinta nabadda, xasilloonida, midnimada qaranka, iyo guulaha laga gaaray dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya waa arrin muhiimad gaar ah leh. IGAD waxay ku boorrinaysaa dhammaan daneeyayaasha inay mudnaanta siiyaan danta shacabka Soomaaliyeed ayna raadiyaan xalal nabadeed oo ku salaysan wada-hadal iyo is-afgarad,” ayuu yiri Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee IGAD.

“Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ka mid ah aasaasayaashii IGAD, waxay weli door dhexe ka ciyaartaa nabadda, amniga, iyo horumarka gobolka. IGAD waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaaggeeda Soomaaliya waxayna sheegtay inay diyaar u tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo wada-hadalka, isku-duubnida qaranka, iyo xasillooni waarta,” ayuu kusii daray Xoghayuhu.

- Advertisement -

Read more

Local News