Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee beesha Habargidir ayaa caawa isugu tegay guriga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.
Siyaasiyiintan oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, Cabdiraxmaan Caynte, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa Kheyre ugu tegay taageero iyo garab-istaag.
Booqashadan ayaa imanaysa xilli ciidamada ilaalada u ah Xasan Cali Kheyre iyo ciidamada dowladda ay magaalada Muqdisho ku dhexmareen dagaal saacado badan qaatay.
Xaaladda magaalada ayaa haatan deggan, kadib dagaallo saacado badan socday oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka, kuwaas oo ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Howl-wadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Ilo-wareedyo xilkas ah ayaa inoo sheegay in dadaallo gudaha ah oo la sameeyay kadib lagu guuleystay in Ra’iisul Wasaarihii hore, Mudane Xasan Cali Kheyre, laga saaro gurigii uu deganaa ee aagga Barmuudo ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha NISA, Mahad Salaad, iyo ciidamo uu watay ayaa ka kaxeeyay guriga, waxayna geeyeen aagga Hotel Jasiira oo uu markii horeba deganaa Kheyre. Sidoo kale, ciidamada isku horfadhiyay degmada Howl-wadaag ayaa la kala qaaday, iyadoo haatan ay xaaladda guud si caadi ah kusoo laabatay.
Inkastoo xaaladda la dejiyay, haddana labada dhinac ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo mar kale horseedi kara gacan-ka-hadal dhex mara, iyadoo mucaaradku ku adkaysanayo in uu dhammaaday muddo-xileedkii dowladda.





