Muqdisho (Caasimada Online) — Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ka dhacay xaruntiisa degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, iyo heshiiska laga gaaray.
War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga, oo ku taariikheysnaa 6-da June 2026, ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday xarunta xisbiga uu dhacay 3-dii June, xilli ay madaxda iyo howl-wadeennada Himilo Qaran ku jireen qaban-qaabada bannaanbax nabadeed oo la qorsheynayey in lagu qabto Muqdisho 4-tii June.
Xisbiga ayaa sheegay in bannaanbaxaasi uu ahaa mid shacabka Muqdisho loogu oggolaan lahaa inay muujiyaan aragtidooda ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka, balse uu si lama filaan ah u dhacay weerar lagu qaaday xaruntii howshu ka socotay.
Himilo Qaran ayaa ku eedeeyey ciidamada dowladda inay adeegsadeen hub culus, hoobiyeyaal, madaafiic iyo daroonno is-qarxiya, kuwaas oo xisbigu sheegay in markii hore loogu talagalay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
“Ciidanka nasoo weeraray waxay adeegsanayeen noocyada kala duwan ee hubkii ay noogu deeqeen dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, kaasoo loogu talagalay la dagaallanka cadowga Soomaaliyeed ee argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xisbiga ayaa si adag u cambaareeyey waxa uu ku tilmaamay weerar qaawan oo lagu qaaday xaruntiisa, wuxuuna sheegay in ilaaladiisa ay ka hortageen weerarka, iyagoo muujiyey dulqaad iyo mas’uuliyad.
Qoraalka Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in kadib weerarka ay bilowdeen dadaallo ay wadeen wakiillo ka socday beesha caalamka iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, kuwaas oo lagu doonayey in lagu dejiyo xaaladda lana joojiyo isku dhaca.
Xisbiga ayaa sheegay in 4-tii June lagu gaaray qodobo dhowr ah, oo ay ka mid ahaayeen in si shuruud la’aan ah xabbadda loo joojiyo, ciidamada la kala qaado, lana bilaabo wada-hadallo siyaasadeed oo looga arrinsanayo mustaqbalka dalka iyo hannaanka lagu maamulayo marxaladda kala guurka ah.
Qodobada kale ee la sheegay in lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa in loo oggolaado ciidamada uu xisbigu sheegay in “la soo khalday” inay goobta ka jiitaan gaadiid iyo agab ka gubtay, iyo in aan ciidamo la soo dhoweyn xarunta cusub ee Himilo Qaran ee ku taalla xeebta Liido.
Hase yeeshee, Himilo Qaran ayaa ku eedeysay Xasan Sheekh Maxamuud inuu jebiyey xabbad-joojintii la gaaray, kadib markii — sida uu xisbigu sheegay — ciidamo ka tirsan NISA ay jid-gooyo dhigteen xilli kolonyo ay la socdeen wakiillo ka socda beesha caalamka ay ku sii jeedeen xarunta xisbiga.
Xisbiga ayaa sheegay in saacadihii ay xiisaddu taagneyd Shariif Sheekh Axmed uu dadaal badan geliyey in laga hortago isku dhac hor leh, lana dulqaato inta xal laga gaarayo xaaladda.
“Waxa xusid mudan in saacadihii jid-gooyada loo dhigtay kolonyada uu madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed dadaal dheer ku bixiyey inaan isku dhac imaan oo la dulqaato inta xal laga gaarayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Himilo Qaran ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey safiirradii iyo xubnihii kale ee ku baxay dejinta xaaladda, balse wuxuu sheegay in dhacdadan ay noqon doonto “taariikh madow” oo uu xisbigu ku xusuusan doono Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeedka Himilo Qaran ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay dhankeeda sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen howlgal 48 saacadood socday oo lagu wajahiyey kooxo hubeysan oo ay ku eedeysay inay amni-darro ka wadeen Muqdisho.
Dowladda ayaa ku eedeysay siyaasiyiin mucaarad ah inay abaabuleen maleeshiyaad hubeysan, halka mucaaradka ay dowladda ku eedeeyeen inay xoog u adeegsatay khilaaf siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka hay’adaha dowladda.


