26 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Israa’iil oo la ogaaday in ay basaastay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada online) — Dowladda Mareykanka ayaa ka walaacsan in hay’adaha sirdoonka Israel ay isku dayeen inay dhageystaan saraakiil sare oo Mareykan ah oo ku lug lahaa dadaallada lagu doonayo in heshiis lala gaaro Iran, sida uu qoray wargeyska The New York Times.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Pentagon-ka uu sare u qaaday heerka khatarta basaasnimo ee ka imaneysa Israel, isaga oo ka dhigay “critical”, oo ah heerka ugu sarreeya ee digniinta noocaas ah.

Tallaabadan ayaa muujineysa in gudaha hay’adaha difaaca Mareykanka uu ka jiro walaac xooggan oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada sirdoonka Israel, inkastoo labada dal ay yihiin xulufo aad isugu dhow.

Sida ay qortay New York Times, saraakiisha la sheegay in la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah Steve Witkoff, oo ah ergayga ugu sarreeya ee Madaxweyne Donald Trump u qaabilsan wada-hadallada Iran, Elbridge A. Colby, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Pentagon-ka, iyo Michael P. DiMino IV, oo ka mid ah saraakiisha ugu dhow.

Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa wargeyska u sheegay in dadaallada sirdoonka Israel ee lagu beegsanayo saraakiisha sare ee maamulka Trump ay noqdeen kuwo “aan xad lahayn”.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka way ka gaabsatay inay arrintan ka hadasho. Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, oo magaciisa la qariyay, ayaa sheegay in warkaasi aanu sax ahayn.

Safaaradda Israel ee Washington ayaa iyaduna beenisay eedeymaha, waxayna sheegtay in Israel aysan basaasin saraakiisha ama hay’adaha Mareykanka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli Mareykanka iyo Israel ay si dhow uga wada shaqeynayaan arrimaha Iran, balse ay dhinaca kale ku kala aragti duwan yihiin halka uu ku dambeynayo cadaadiska la saarayo Tehran.

Mareykanka ayaa doonaya in cadaadis militari iyo mid diblomaasiyadeed lagu qasbo Iran inay tanaasul ka sameyso miiska wada-hadalka. Israel, dhankeeda, waxay dooneysaa in si weyn loo wiiqo awoodda militari ee Iran, lana cadaadiyo xulafadeeda gobolka, gaar ahaan kooxda Xizbullah ee Lubnaan.

Saraakiil Mareykan ah oo ay soo xigatay New York Times ayaa sheegay in Israel ay raadineysay xog ku saabsan istaraatiijiyadda Trump iyo isbeddellada mowqifkiisa ee ku saabsan wada-hadallada Iran.

Arrintaas ayaa walaaca sii kordhisay, maadaama Washington iyo Tel Aviv ay waqtigan wadaagaan xog militari oo aad u badan, kana wada shaqeeyaan qorsheyaal amni oo xasaasi ah.

Telefoonnada saraakiisha oo la beegdsaday

Warbixinta Hay’adda Sirdoonka Difaaca Mareykanka ee DIA ayaa la diyaariyay kadib markii shaqaale difaac oo Mareykan ah oo ku sugnaa Israel ay ogaadeen in taleefannadooda si qarsoodi ah loogu rakibay barnaamijyo lagu dhageysan karo xiriirkooda, sida ay qortay New York Times.

Warbixintu waxay sheegtay in dhacdooyinka noocan ah ay bateen dhammaadkii 2024, xilligaas oo maamulka Joe Biden uu cadaadis ku saarayay Israel inay yareyso weerarrada Gaza. Waxay sidoo kale sii socdeen 2025, xilli maamulka Trump uu qiimeynayay tallaabooyin militari oo ka dhan ah Iran.

Dokumentiga DIA ayaa sidoo kale xusay dhacdooyin hore. Sanadkii 2021, saraakiil ka tirsan sirdoonka militari ee Israel ayaa la sheegay in lagu qabtay iyagoo qalab dhageysi ku rakibaya xarunta DIA.

Sanadkii hore, saraakiil ka tirsan Shin Bet, oo ah hay’adda sirdoonka gudaha Israel, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay isku dayeen inay qalab dhageysi ku rakibaan gaari ay leeyihiin ciidamada ilaaliya madaxweynaha Mareykanka.

Mareykanka iyo Israel waxay leeyihiin mid ka mid ah xiriirrada amni ee ugu dhow caalamka. Washington waxay Israel siisaa taageero militari oo ballaaran, waxayna labada dhinac si dhow uga wada shaqeeyaan amniga Bariga Dhexe.

Si kastaba, eedeymaha basaasnimo ee labada dhinac ma aha wax cusub. Jonathan Pollard, oo hore uga tirsanaa sirdoonka ciidamada badda Mareykanka, ayaa xabsi daa’in lagu xukumay 1987-kii kadib markii uu xog sir ah u gudbiyay Israel. Waxaa xabsiga laga sii daayay 2015 kadib ku dhowaad 30 sano oo uu xirnaa.

Warbixintan cusub ayaa hadda dhalin karta su’aalo ku saabsan heerka xogta uu Mareykanku la wadaago Israel, gaar ahaan haddii Pentagon-ka uu go’aansado inuu xaddido xogaha xasaasiga ah ee la siiyo saraakiisha Israel.

Saraakiil Mareykan ah ayaa New York Times u sheegay in labada dal ay muddo dheer ogyihiin in xulafadu mararka qaar is-basaasaan.

Laakiin walaaca hadda jira, ayay sheegeen, waa in Israel ay u muuqato inay ka gudubtay xariiq aan hore loo dhaafin, xilli labada dhinac ay wadaagayaan xog militari oo ka badan tii hore.

- Advertisement -

Read more

Local News