Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee QM ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan rabshadihii ugu dambeeyay ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
António Guterres oo walaac ka muujiyay dagaalkii ka dhacay caasimada ayaa si deg-deg ah farriin ugu diray dowladda iyo mucaaradka, isaga oo xasuusiyay baahida loo qabo in deg-deg dib loogu bilaabo wada-hadalladii labada dhinac.
“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu walaac xooggan ka muujiyey wararka ku saabsan rabshadaha ka dhacay Muqdisho. Waxa uu hoosta ka xariiqay baahida degdegga ah ee loo qabo in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay dib u bilaabaan wadahaddalka si loo helo dariiq loo maro ka fogaanshaha in dib u dhac ku yimaado horumarkii ilaa hadda laga gaaray Soomaaliya, iyo sidoo kale in la xaqiijiyo badbaadada dadka rayidka ah iyo kaabayaasha bulshada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, wuxuu dhinacyada is haya ugu baaqay inay is-xakameeyaan, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhinacyo horleh oo ka dhaca dalka.
Hawlgalka Kaalmada Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sidoo kale maanta xusay in hawlgalka iyo saaxiibbada caalamiga ah ay marar badan uga digeen, bayaanadooda iyo wada-xaajoodyada ay la yeesheen dhinacyada ay khusayso, khatarta ah in dib loogu laabto qalalaasihii dhacay sannadkii 2021 ee ka dhashay khilaafaadka ku saabsan hannaanka doorashooyinka. Digniinahaas oo nasiib darro aan la tixgelin.
Qaramada Midooday ayaa mar kale ku adkeysay madaxda Soomaaliyeed inay tanaasul sameeyaan, isla markaana ay mudnaanta siiyaan horumarinta danaha qaranka, si looga gudbo caqabadaha hor gudban marxaladda kala guurka ah.
“Bahda QM waxay ku boorrinaysaa dhammaan madaxda Soomaalida inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, dibna u bilaabaan wadahaddalladii istaagay 15-kii May. Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay diyaar u yihiin inay fududeeyaan wadahaddalkaas,” ayaa lagu soo gabagabeeyay.
Walaaca kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi oo ay mar kale sii laba kacleysay xiisadda syaasadeed ee ka taagan gudaha dalka, kadib markii ay xaaladda isku rogtay gacan hadal uu dhiig ku daatay

