26.3 C
Mogadishu
Monday, June 8, 2026

Xogtii u dambeysay ee dhex-dhexaadinta Turkiga ka dhex wado DF iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallada dhex-dhexaadin ee dowladda Turkiga ka waddo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Mas’uuliyiin ka socota dowladda Turkiga ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay labada dhinac, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda iyo mucaaradku ayaa ku qancay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya isu-soo dhoweynta aragtiyada kala duwan ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

Guddigan ayaa la filayaa inuu soo diyaariyo talooyin iyo qodobbo ay labada dhinac ka wada shaqeyn karaan, ka hor inta aan la qaban kulan toos ah oo ay yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Sidoo kale, xogta la helayo ayaa muujineysa in Dowladda Federaalka ay muujisay dabacsanaan ku aaddan doodda la xiriirta doorashada heer federaal, iyadoo la sheegay inay oggolaatay in arrintaas la guda galo kadib marka la qabto doorashooyinka tooska ah ee dowlad-goboleedyada.

Dhanka kale, qaar ka mid ah mucaaradka ayaa weli ku adkeysanaya in doorashooyinka heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay noqdaan kuwo isku xiran, isla markaana dhammaantood lagu qabto hannaan dadban oo ay ka qeyb-galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dadaalladan dhex-dhexaadinta ah ayaa weli socda, iyadoo falanqeeyayaasha siyaasadda ay aaminsan yihiin in kulamada iyo doorka beesha caalamka ay siinayaan waqti dheeraad ah Villa Soomaaliya, xilli ay taagan yihiin doodaha ku saabsan jadwalka doorashooyinka iyo muddada hay’adaha dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News