Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalka Soomaaliya iyo Pakistan oo yeeshay wada-hadallo khadka taleefoonka ah ayaa ka arrinsaday xaaladda muwaadiniinta Pakistan ee saaran markabka MT Honour 25 oo burcadbadeedda ugu afduuban xeebaha dowlad-goboleedka Puntland.
Wasiir Cabdisalaan Cali iyo dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda, ahan ra’iisul wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar ayaa si gaar ah uga arrinsaday dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo sii deynta muwaadiniinta Pakistan ee ay haystaan burcadbadeeda.
Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo badqabka iyo sii deynta degdegga ah ee dadka la haysto.
Sidoo kale, labada wasiir ayaa isku raacay in la sii wado wada shaqeyn iyo xiriir dhow oo laga yeesho ilaa arrintan xal laga gaarayo.
Dhanka kale, intii uu socday wada-hadalka, labada dhinac waxay muujiyeen qanacsanaanta ay ka qabaan horumarka wanaagsan ee xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, iyagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo ka shaqeynta danaha wadaagga ah ee labada dal.
Bishii April ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay gacanta burcadbadeeda galeen ilaa seddax markab oo labo ka mid ah oo kala ah Honour 25 oo laga leeyahay dalka Palau iyo Eureka oo laga leeyahay dalka Togo, kuwaas shidaal siday kadibna la qabsaday, waxaana loo jiheeyay dhanka xeebaha Puntland.
Sidoo kale 26-ka April, kooxo hubeysan ayaa meel dhowr mayl uun u jirta xeebta Soomaaliya ka afduubtay markabka ganacsi oo laga leeyahay dalka Masar, laguna magacaabo Sward. Waxaa loola cararay xeebta dekadda Garacad ee Puntland oo xudun u ah kooxaha burcad badeeda afduubanaya maraakiibta ganacsi.
Si kastaba, Waxaa xilligaan muuqata inay dib usoo laba kacleeyeen kooxaha burcadbadeeda iyagoo ka faa’iideysanaya qalalaasaha dagaal ee ka jira bariga dhexe, taasoo fursad u siisay inay howlgaladooda fushadaan.

