27 C
Mogadishu
Wednesday, June 10, 2026

Mucaaradka oo dalab ka dhan ah Xasan Sheekh u gudbiyay Turkiga

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka oo maalmahan wada-hadallo xasaasi ah kula jiray dowladda Turkiga ayaa ugu dambeyn u gudbiyay dalab culus oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xiriira ciidamada iyo amniga dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u hadlay mucaaradka ayaa marka hore ka warbixiyay kulamada ay la galeen wafdiga ka socda xukuumadda Ankara ee ku howlan dhex-dhexaadinta madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka oo isku haya hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.

Warsame ayaa shaaca ka qaaday in wada-hadallada oo hordhac ah ay marayaan meel wanaagsan, isla markaana ay isla meel dhigeen iyaga iyo dowladda Turkiga qaabka ay noqonayaan wada-hadallada bilaabanaya, si xal loogu gaaro.

“Wada-hadalladii hordhaca ahaa ee aan la yeelanay dowladda Turkiga oo wafdi heer sare ah soo dirtay oo dhinacyada siyaasadda oo dhan ay is arkayeen waxaan isla soo dhaweynay ajendaha uu wada-hadalka noqonayo meel fiican ayay ku dhammaadeen doodahaas,” ayuu yiri Xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Turkiga ay kala hadleen arrimaha ammaanka iyo ciidamada, ayna ka dalbadeen in la joojiyo howlgallada lagu beegsanayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo guryahooda, maadaama haatan dowladdu ay wato howlgal hub ka dhigis oo ka socda gudaha caasimada.

“Waxa kale oo ugu muhiimsan ee Turkiga kala hadalnay waxa ay ahayd si wada-hadal siyaasadeed loo bilaabo in taag taaga xagga amniga iyo ciidamadan gaaf wareegaayo xaafadaha ee dadka siyaasiyiinta baacsanaayo ee guryahooda fatashaayo la joojiyo, si loo helo qaab wada-hadal lagu geli karo,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Dhalinyarada ciidamada iyo saraakiisha waxaan u sheegeynaa in sharciga iyo dowladnimada iyo qofka idin amraayo aad kala saartaan”.

Wada-hadalladan ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, isla markaana ay sii laba kacleyneyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac oo dagaal ka dhalisay magaalada Muqdisho, kadib iska hor imaadyo hubeysan oo dhawaan ku dhex-maray degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed

- Advertisement -

Read more

Local News