Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Waqooyi Bari ayaa noqday maamulladii ugu horreeyay ee ka hadla doorashada hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, taas oo la sheegay inuu ku guuleystay Sheekh Aadan Madoobe.
Labada maamul ayaa dhambaal hambalyo ah u diray hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed. Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ku ammaanay xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed habsami-u-socodka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay ku doorteen hoggaanka cusub ee maamulka.
“Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan goleyaasha dowladda, waxa uu hambalyo u dirayaa hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug.
Maamulka Galmudug ayaa hoggaamiyaha la doortay u rajeeyay in Alle SWT u fududeeyo gudashada waajibaadka iyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana uu shacabka Koonfur Galbeed ku hoggaamiyo nabad, horumar, midnimo iyo barwaaqo.
Sidoo kale, ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari ahna Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa hoggaamiyaha la doortay ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashada, isaga oo Alle uga baryay inuu ku asturo xilka culus ee loo igmaday, kana dhigo mid dalkiisa iyo dadkiisa ku hoggaamiya caddaalad, sinaan, horumar iyo midnimo.
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shacabka iyo hay’adaha Koonfur Galbeed ku bogaadiyay habsami-u-socodka doorashada, isaga oo u rajeeyay nabad, xasillooni iyo horumar waara.
Si kastaba, waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), uusan weli ka hadlin ama hambalyo rasmi ah u dirin hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, xilli madaxweyne ku-xigeenkiisu uu tahniyadeeyay.
Arrintan ayaa bannaanka keeneysa kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo markii ugu horreysay si muuqata looga dareemayo hoggaanka ugu sarreeya maamulka Galmudug.

