Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad-goboleedka HirShabelle, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe), mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha heer federaal iyo heer dowlad-goboleedka iyo boqolaal shacab ah.
Ujeedka safarka Xasan Sheekh ee caasimada Jowhar ayaa ah inuu daah-furo mashaariic horumarineed oo waa wayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha madaxtooyo casri ah, xarumo wasaaradeed iyo waddooyin muhiim ah oo laga hirgeliyay magaaladaasi.
Sidoo kale, waxaa haatan HirShabelle ku sugan madaxdii ugu badneyd oo goobjoog noqon doono mashaariicda maanta laga daah-furayo halkaasi, iyada oo qorshuhu yahay in sidoo kale madaxdu ay dhagax dhigaan kuwa kale.
Dhanka kale, Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howl-gallada sugidda nabad-gelyada si loo xaqiijiyo ammaan buuxa inta uu socdo safarka madaxweynaha.
Inta uu madaxweynaha ku sugan yahay Jowhar, waxaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta dowlad-goboleedka HirShabelle, kuwaas oo looga hadli doono xaaladda guud ee amniga, horumarinta, adeegyada bulshada iyo sidoo kale doorashooyinka.
Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, isla markaana lagu dardar-gelinayo mashaariicda horumarineed ee dalka.
Si kastaba, safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Jowhar ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay maamulka HirShabelle ka wado qabashada doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo guddiga doorashada uu muddeeyay in 9-ka July 2026 ay qabsoomi doonto doorashada hoggaamiyaha HirShabelle.

