25.8 C
Mogadishu
Friday, June 12, 2026

Ruto oo si adag uga hadlay soo celinta Cartan, kuna tilmaamay qalad laga galay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo ka hadlay dhacdada garsooraha Soomaaliyeed ee caanka ah Cumar Cartan oo laga soo celiyay dalka Mareykanka ayaa si adag u dhaliilay dowladda Mareykanka oo ka hor istaagtay inuu garsoore ka noqdo koobka adduunka ee FIFA 2026.

Cumar Cartan oo ku guuleystay abaal-marinta garsooraha ugu fiican qaaradda Afrika sanadkii 2025 ayaa laga celiyay garoonka caalamiga ah ee Miami kadib markii saraakiisha kastamka iyo ilaalinta xuduudaha Mareykanka (CBP) ay sheegeen inay jiraan walaacyo la xiriira baaritaannada amniga iyo hubinta xogtiisa.

Cartan ayaa sitay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya, waxaana markaas dib loogu celiyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Madaxweyne William Ruto ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid aan cadaalad ahayn, isagoo sheegay inay dhaawacayso sumcadda iyo dadaalka ciyaartooyda iyo garsoorayaasha Afrika ee ka qeyb-gala tartamada caalamiga ah.

“Tallaabada Mareykanka looga soo celiyay Garsoore Cumar Cartan waa qalad weyn oo laga galay Afrika,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya, William Ruto.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaal kale oo Afrikaan ah ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykanka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah dib loogu eego arrinta si Cumar Cartan loogu oggolaado inuu ka qeyb-galo tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Dhacdadan ayaa dhalisay dood xooggan oo ka taagan qaaradda Afrika, iyadoo taageerayaal badan iyo mas’uuliyiin isboorti ay walaac ka muujiyeen saameynta ay arrintani ku yeelan karto ka qeybgalka Afrika ee munaasabadaha caalamiga ah.

Si kastaba, Garsoore Cartan ayaa shalay ku soo laabta dalka, isagoo si weyn loogu soo dhaaeeyay magaalada Muqdisho. Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda final-ka loobka adduunka ayaa Isniintii laga saaray liiska, kaddib markii laga diiday inuu gudaha u galo dalka Mareykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News