25.7 C
Mogadishu
Friday, June 12, 2026

Itoobiya oo shaacisay in TPLF ay duulaan tahay iyo dagaalka oo maalmaha soo socda…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) — Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in xoogag ku sugan gobolka waqooyiga dalka ee Tigray ay diyaarinayaan weerar ka dhan ah dowladda federaalka, tallaabo dhalisay cabsi cusub oo laga qabo in dalkaas uu dib ugu laabto dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee dhowaan la soo afjaray.

Ciidamada Tigray ayaa dagaal laba sano socday la galay ciidamada federaalka Itoobiya, kuwaas oo ay garab siinayeen maleeshiyaad maxalli ah iyo ciidamo ka socday Eritrea. Dagaalkaas, oo socday intii u dhaxeysay 2020 iyo 2022, ayaa lagu dilay ku dhowaad 600,000 oo qof, sida ay muujinayaan qiyaaso loo aaneynayo Midowga Afrika.

Dagaalka ayaa ku dhammaaday heshiis nabadeed oo lagu gaaray Pretoria sanadkii 2022, balse heshiiskaas ayaa bilihii u dambeeyay la kulmay cadaadis sii xoogeysanayay, iyadoo dhinacyadu marar badan isku eedeeyeen jebinta qodobbadii lagu heshiiyay.

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii dagaallo toos ah ay mar kale dhexmareen ciidamada Tigray iyo ciidamada federaalka dabayaaqadii 2025, markii ugu horreysay tan iyo markii la saxiixay heshiiska nabadda.

Digniin ka timid Addis Ababa

Wasiirka arrimaha Bariga Afrika ee Itoobiya, Getachew Reda, iyo madaxa sirdoonka dalkaas, Redwan Hussein, ayaa sheegay in garab mayal-adag oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF uu go’aansaday inuu “maalmaha soo socda” weerar ku qaado dowladda federaalka.

Labada mas’uul ayaa qoraal ay ku daabaceen Al Jazeera ku sheegay in TPLF ay isku diyaarineyso inay “huriso dagaal cusub”, iyagoo ku eedeeyay inay taageero ka heleyso Eritrea, oo xiriirkeedu dowladda Addis Ababa uu aad u xumaaday.

TPLF weli si degdeg ah ugama jawaabin eedeymaha cusub. Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in TPLF ay xiriir dhow la yeelatay Eritrea, inkastoo kooxdaas ay eedeymahaas beenisay.

“Waa lama huraan in cid kasta oo saameyn ama awood ku leh TPLF iyo taageerayaasheeda Asmara ay cadaadiskii ugu xoogga badnaa saarto, si looga hortago in dalka uu dib ugu laabto dagaal,” ayay ku yiraahdeen qoraalka.

Waxay sidoo kale ka digeen in dib u bilaabashada dagaalka ay noqon doonto mid halis ah, islamarkaana “cawaaqib culus ku yeelan doonta gobolka”.

Getachew Reda iyo Redwan Hussein ayaa sidoo kale sheegay in kulamo u dhexeeya saraakiil Eritrean ah iyo xubno ka tirsan TPLF ay ka dhacayaan caasimadda Eritrea ee Asmara, magaalada Mekelle ee xarunta Tigray, iyo gudaha Sudan.

Eedeymahan ayaa imaanaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo xiisado is-biirsaday. Bishii May, Itoobiya iyo Sudan — oo lafteedu dagaal sokeeye ku jirtay tan iyo 2023 — ayaa is dhaafsaday eedeymo ku saabsan in mid walba uu ku xadgudbay dhulka kan kale, islamarkaana uu taageero siiyay xoogag mucaarad ah.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa sidoo kale sii xumaaday sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan kadib heshiiskii Pretoria oo Eritrea aysan qeyb ka ahayn. Asmara ayaa horay u diidday eedeymaha Addis Ababa ee la xiriira faragelinta gudaha Itoobiya, halka dowladda Abiy Ahmed ay ku adkeysatay in Eritrea ay taageereyso kooxo hubeysan.

Heshiis nabadeed oo sii daciifaya

TPLF ayaa muddo ku dhowaad 30 sano ah awood weyn ku lahayd siyaasadda Itoobiya, kahor inta uusan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed xukunka imaan sanadkii 2018. Xukuumadda Abiy ayaa sanadkii hore TPLF ka mamnuucday dhaqdhaqaaq siyaasadeed, balse kooxda ayaa weli awood ballaaran ku leh gudaha Tigray, halkaas oo ay ku heysato ciidan u gaar ah.

Dabayaaqadii April, TPLF ayaa sheegtay inay dib u soo celisay baarlamaankii gobolka, kaas oo dowladda federaalka ay ku tilmaantay sharci-darro.

“Si cad oo ka dhan ah heshiiskii 2022, haraadiga TPLF waxay burburiyeen maamulkii ku-meel-gaarka ahaa ee gobolka, waxayna dhisteen maamul sharci-darro ah oo iyaga u gaar ah,” ayay ku yiraahdeen labada mas’uul qoraalkooda.

Tallaabadaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in gobolka Tigray uu yeesho laba maamul oo is diidan, taas oo sii adkeyn karta fulinta heshiiskii Pretoria iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta.

Tigray ayaa lahaa dad gaaraya ku dhowaad lix milyan kahor dagaalkii 2020-2022. Ku dhowaad hal milyan oo qof ayaa weli ku barakacsan saameynta dagaalka, iyadoo gobolka uu sidoo kale wajahayo dhaqaale xumo weyn kadib markii la jaray kabkii dhaqaale ee federaalka.

Gobolka Tigray kama qeybgelin doorashadii guud ee Itoobiya ee qabsoontay 1-dii June, taas oo xisbiga Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party si weyn loogu saadaalinayo inuu ku guuleysto.

Xiisadda cusub ayaa kusoo aadeysa xilli dowladda Itoobiya ay weli wajahayo colaado kale oo gudaha ah, gaar ahaan gobollada Amhara iyo Oromia, taas oo ka dhigeysa xaaladda dalka mid aad u nugul.

Haddii dagaal cusub uu ka qarxo Tigray, waxaa laga cabsi qabaa inuusan ku ekaan waqooyiga Itoobiya oo keliya, balse uu saameyn ku yeesho guud ahaan Geeska Afrika, oo horeyba ula daalaa dhacayay dagaallo, barakac iyo loollan siyaasadeed oo heer gobol ah.

- Advertisement -

Read more

Local News