Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo lagu wado inuu safar ku tago magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil ayaa looga digay inuu saxiixo heshiiska loo yaqaan Abraham Accords.
Cirro ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta Israa’iil, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dhinac iyo arrimo la xiriira cadaadisyada dibadda iyo gudaha ee soo wajahay maamulka uu hoggaamiyo tan iyo markii ay soo baxeen talaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka Israa’iil.
Dhinaca kale, waxaa isa soo taraya digniinaha loo jeedinayo Cirro ee ku saabsan suurtagalnimada inuu saxiixo heshiiska Abraham Accords, kaas oo dalal dhowr ah oo Carbeed hore ula galeen Israa’iil si loo caadiyeeyo xiriirka ka dhexeeya dhinacyadaas.
Si kastaba, dadka ka soo horjeeda heshiiska ayaa ku doodaya in qaar ka mid ah dalalkii hore ugu biiray ay dib uga laabteen ama ay dib u qiimeeyeen mowqifkooda ku aaddan heshiiskaas.
Qaar ka mid ah dadka ka soo horjeeda tallaabadaas ayaa ku doodaya in heshiiskaasi uu ka hor imaanayo qiyamka iyo mabaadi’da ay aaminsan yihiin bulshada Muslimiinta ah, iyagoo ugu baaqay hoggaamiyaha Somaliland inuu ka fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta xiriir rasmi ah oo lala yeesho Israa’iil.
Sidoo kale, culimo iyo aqoonyahanno ku sugan deegaannada Somaliland ayaa la sheegay inay si cad uga hadleen safarka la qorsheeyay, iyagoo muujiyay walaac ku aaddan saameynta siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalan karta.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah culimada iyo dadka aragtiyahooda ka dhiibtay arrintan ay la kulmeen cadaadisyo la xiriira mowqifyada ay ka qaateen safarka iyo xiriirka la sheegay in la doonayo in lala yeesho Israa’iil, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin eedeymahaas.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inuu safarkiisa Tel Aviv sii maro dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo socdaalkan uu noqonayo mid si weyn isha loogu hayo, maadaama uu ku soo beegmayo xilli ay weli taagan yihiin doodaha ku saabsan mustaqbalka xiriirka Somaliland iyo Israa’iil.

