26 C
Mogadishu
Friday, June 12, 2026

Sidee NISA u fashilisay qaraxyo ay maleegaysay kooxda Al-Shabaab?

Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online) – Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan ku fashiliyay walxo kiimiko ah oo la sheegay in loo adeegsan lahaa samaynta qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.

Walxahan kiimikada ah ayaa laga helay dhul deex ah oo ku dhow deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka.

Sida saraakiishu sheegeen, walxaha la qabtay ayaa ku jiray in ka badan boqol jirgaan, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo diyaariyay samaynta walxaha qarxa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda Al-Shabaab ay walxahan ku aastay goobtaas kadib markii ay ka war heleen in ciidamada ammaanka ay daba socdaan dhaqdhaqaaqyadooda iyo qorshayaashooda.

Taliyaha nabad-sugidda qaranka ee degmada Marka, Maxamed Sheekh Xasan ayaa ciidamada deegaanka uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen soo helidda walxahan, isagoo tilmaamay in macawiisleyda gobolka ay heleen godad lagu aasay jirgaannada xilli ay roondo ku marayeen inta u dhexeysa Marka iyo Gendershe.

Taliyaha ayaa sheegay in macluumaadka ay bixiyeen ciidamada deegaanka lala wadaagay taliska NISA ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo keentay in si degdeg ah loo fuliyo howlgalka lagu soo saaray walxahaas. Wuxuu sidoo kale xusay in la laba-jibaari doono howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Deegaanka, Maxamed Cusmaan Indhoi-giir ayaa sheegay in jirgaannada la qabtay ay ku jireen noocyo kala duwan oo budo kiimiko ah, kuwaas oo sida uu sheegay Al-Shabaab u adeegsan jirtay samaynta qaraxyada.

Wuxuu xusay in ujeeddada walxahaas ay ahayd in lagu waxyeelleeyo shacabka, balse ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan qorshahaas.

- Advertisement -

Read more

Local News