25.2 C
Mogadishu
Friday, June 12, 2026

Mareykanka iyo Iiraan oo ku dhow heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Islamabad (Caasimada Online) – Wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ayaa maraya marxaladihii ugu dambeeyay, iyadoo warar kala duwan oo ka soo baxay Tehran, Washington iyo Islamabad ay muujinayaan in heshiisku ku dhow yahay gabagabo rasmi ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi ayaa sheegay in is-afgarad lagu joojinayo colaadda u dhexeysa labada dal uu marayo heer gabagabo ah, isaga oo xusay in dhinacyadu ay gaareen horumar weyn oo ku aaddan qoraalka heshiiska.

Araghchi ayaa sidoo kale warbaahinta uga digay inay ka fogaato faallooyin iyo saadaal ku saabsan qodobbada heshiiska, illaa si rasmi ah loo dhammeystiro loona shaaciyo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u baahiyay hadalka kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, inkastoo uusan si toos ah u faahfaahin mowqifkiisa, taas oo si weyn u soo jiidatay dareenka warbaahinta caalamka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iiraan ay si buuxda isugu raaceen qoraalka ugu dambeeya ee heshiiska, isla markaana uu hadda marayo marxaladdii ugu dambeysay ee lagu dhameystirayo.

Warbaahinta caalamka oo ay ku jiraan wakaaladaha waaweyn ee wararka sida Reuters iyo Associated Press, ayaa si weyn u tabinaya horumarka wada-hadalladan, iyaga oo sheegaya in heshiiska uu noqon karo mid ka mid ah horumarrada diblomaasiyadeed ee ugu waaweyn ee gobolka ka dhaca sannadihii u dambeeyay.

Sidoo kale, falanqeeyayaasha caalamka ayaa tilmaamaya in haddii heshiiskan la dhameystiro uu saameyn weyn ku yeelan karo xasilloonida Bariga Dhexe, xiriirka Washington iyo Tehran, iyo sidoo kale xaaladda amni ee gobolka oo dhan.

Inkasta oo ay jiraan rajooyin xooggan oo laga qabo heshiiska, haddana dhinacyada ayaa weli ka digaya in wax kasta oo kama dambeys ah lagu dhawaaqo illaa si rasmi ah loo saxiixo loona xaqiijiyo dhammaan qodobada lagu heshiiyay.

- Advertisement -

Read more

Local News