27.2 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Xasan Sheekh oo shaaciyey laba arrin oo mucaaradka ay rabaan oo uusan aqbali karin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay ka soo horjeedaan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka xisbiyada badan.

Wareysi uu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in Soomaaliya u gudubto nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan codka shacabka iyo xisbiyo siyaasadeed oo sharciyeysan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in khilaafka ugu weyn ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka aanu ahayn mid shaqsiyeed, balse uu salka ku hayo jihada siyaasadeed ee dalka.

“Mucaaradku waxay rabaan in dalka uu ku sii jiro nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay doonayso in siyaasadda Soomaaliya laga wareejiyo nidaam ku dhisan shaqsiyaad, loona gudbo hannaan ay hoggaaminayaan xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah.

Waxa uu ku dooday in xisbiyada siyaasadeed ay muhiim u yihiin kobcinta dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo tartanka siyaasadeed ee furan.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in marar badan uu mucaaradka ka codsaday inay soo bandhigaan aragti kale oo lagu beddeli karo qorshaha dowladda, balse sida uu sheegay aysan weli keenin qorshe cad.

Waxa uu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay dood kasta oo ku saabsan doorashooyinka iyo dastuurka, haddii dooddaas lagu saleeyo aragti siyaasadeed iyo sharci.

Madaxweynaha ayaa ku celiyay in dowladda aysan ka laaban doonin qorshaheeda ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u diiday baaqyada ku saabsan in dib loogu laabto Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012.

Waxa uu sheegay in dastuurkaasi uu galay taariikhda dastuurrada Soomaaliya loo dejiyay, balse aan dib loogu noqon karin sidii uu ahaa.

“Dastuurkii 2012 waa taariikh. Wuu noo yaallaa, laakiin waa laga soo gudbay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan sameyn dastuur cusub, balse ay fulisay dib-u-eegistii dastuurka ee lagu waajibiyay hay’adaha dowladda.

Waxa uu xusay in baarlamaannadii hore dhowr jeer dib u dhigeen dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, iyadoo mar kasta hawsha loo wareejinayay baarlamaanka xiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan doonayn in mar kale dib loo dhigo hawshaas, isagoo ku dooday in cid kasta oo qabta cabasho ama aragti ka duwan tan dowladda ay soo bandhigi karto qodobada ay diiddan tahay iyo sababaha ay u diiddan tahay.

“Qofkii qaba in qodob la beddelo waa inuu keenaa sabab sharci iyo maslaxad ku dhisan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in habraaca wax-ka-beddelka dastuurka uu ku qoran yahay dastuurka laftiisa, isla markaana la raaci karo mar kasta oo loo baahdo.

Waxa uu ku adkeystay in dib loogu noqdo Dastuurkii 2012 aysan ahayn arrin macquul ah, balse wixii sixid ama dib-u-eegis ah lagu sameyn karo dastuurka hadda jira.

- Advertisement -

Read more

Local News