27.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 16, 2026

Galmudug oo durtay guddiga doorashooyinka, soona saartay bayaan culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa walaac xooggan ka muujiyay sida uu wax u wado doorka guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, isagoo ku baaqay in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, daah-furan isla markaana lagu wada kalsoon yahay.

Bayaan kasoo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan inuu ka mid noqday olole la xiriira musharrax la sheegay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada Galmudug.

Galmudug ayaa caddeysay in aysan aqbali karin guddi doorasho oo lagu tuhmayo inuu la safan yahay musharrax ama xisbi gaar ah, iyadoo ku adkaysatay in hufnaanta geeddi-socodka doorashadu ay ku xiran tahay dhexdhexaadnimo buuxda oo guddiga ah.

Sidoo kale, maamulka ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta iyo axsaabta siyaasadeed ay tahay in la siiyo fursado siman oo ay ugu tartamaan doorashada, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara eex ama saameyn siyaasadeed oo dhaawici karta natiijada doorashada.

Galmudug waxay ugu baaqday in la adkeeyo nidaam doorasho oo caddaalad ku dhisan, si ay u soo baxaan natiijooyin leh sharciyad, kalsooni bulsho iyo wada-ogolaansho siyaasadeed.

Hadalka kasoo baxay hoggaanka Galmudug ayaa imanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in xisbiga JSP uu musharraxnimada xilka madaxweynaha Galmudug u wado Liibaan Axmed Xasan, oo lagu tilmaamay ganacsade saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxay ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan hufnaanta iyo dhexdhexaadnimada hay’adaha doorashooyinka, iyadoo Galmudug ay adkaysay baahida loo qabo in la ilaaliyo kalsoonida guud ee hannaanka doorashada.

- Advertisement -

Read more

Local News