Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo ay si wadajir ah u wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose, iyada oo howlgalladu ay galeen maalinkii lixaad oo xiriir ah, sida ay sheegtay Jubbaland.
Ujeedka howlgalladan ayaa ah kuwo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana si gaar ah looga fuliyay deegaannada Dhasheeg-Waamo ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladan oo bartilmaameed ah waxaa barbar socday duqeymo cirka ah oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale lagu burburiyay fariisimo iyo xarumo ay u adeegsan jireen abaabulka weerarrada.
Waxaa kale oo ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen kooxda, kuwaas oo ay la wareegeen ciidamada huwanta ee si wadajir ah u sameeyay howlgalka.
Wasiirka Warfaafinta Maamul-goboleedka Jubbaland, Mudane Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa boggaadiyey howlgallada ay fuleen Daraawiishta Jubbaland iyo Danab, kuwaas oo jab culus gaarsiiyay argagixisada.
“Waxaan si weyn u bogaadinayaa howlgalada geesinimada leh ee ay si wadajir ah u wadaan Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Danab ee ka socda deegaannada Dhasheeg-Waamo. Howlgalladan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Guulaha laga gaaray howlgalada waxay caddeyn u yihiin kartida, geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada qaranka,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray.
“Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan ku dhiirrigelinayaa ciidamada inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ilaa laga xaqiijinayo nabad waarta iyo in Khawaarijta laga sifeeyo guud ahaan deegaannada Jubbaland. Guul iyo gobonimo idam Alle”.
Jubbaland ayaa waxaa weli deegaannadeeda ku xooggan kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca howlgallo iyo duqeymo lagu beegsado argagixisada, si loo cuuryaamiyo awoodda.


