25.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Somaliland oo jawaab adag ka bixisay tallaabada DF Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay tallaabadii ay maanta qaaday Dowladda Federaalka oo sheegtay inay sameyneyso wax kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, iyadoo si adag uga hortageysa fara-gelinta ay Israa’iil ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay safarka uu Madaxweynaha maamulka Somaliland ku joogo dhulka ay Israa’iil maamusho iyo kulamada uu halkaas kula yeeshay mas’uuliyiinta sare ee Israa’iil. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa Israa’iil ku dacweysay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo urur-goboleedka IGAD, iyadoo ugu baaqday inay si cad uga hortagaan fara-gelinta ay xukuumadda Israa’iil ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Intaas kadib waxaa soo jawaabtay Somaliland, oo si adag uga hortimid war-saxaafadeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaasi kuwo marin habaabin ah oo aan ka tarjumayn xaqiiqada jirta.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay Somaliland inay tahay maamul leh hay’ado, sharciyo iyo nidaam dowladeed oo si madax-bannaan u shaqaynayay muddo ka badan 30 sano.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xiriirrada Somaliland ay la yeelato dalalka iyo dhinacyada caalamiga ah ay ku saleysan yihiin danaha qaranka, amniga gobolka iyo iskaashiga dhaqaale.

Waxaa kale oo ay Somaliland ku adkaysatay inay sii wadi doonto difaaca madax-bannaanideeda iyo go’aannadeeda siyaasadeed, isla markaana aysan aqbali doonin cadaadis dibadeed oo lagu faragelinayo xiriirradeeda caalamiga ah.

Tallaabooyinka ayaa kusoo aadayo, xilli shalay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu si rasmi ah xarigga uga jaray safaaraddii ugu horreysay ee Somaliland ka furato Israa’iil, taas oo laga hirgeliyay magaalada Qudus ee haysato Israa’iil.

Furitaanka safaaradda ay sheegtay Somaliland ayaa dhaliyay falcelin xooggan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jaamacadda Carabta iyo dalal kale oo badan ay hore uga digeen tallaabadan, isla markaana ay si cad uga hor yimaadeen.

- Advertisement -

Read more

Local News