26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Trump oo si xun u weeraray Giorgia Meloni xilli uu sii xoogeystay dagaalkooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Rome (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa mar kale si kulul ugu jawaabtay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib markii uu baraha bulshada ku weeraray, su’aalna geliyay heerka taageeradeeda siyaasadeed ee gudaha Talyaaniga.

Muranka cusub ayaa sii xoojiyay khilaaf si tartiib ah uga dhex muuqday labada hoggaamiye, kuwaas oo horey loogu arkayay inay leeyihiin xiriir siyaasadeed oo dhow, balse hadda isku haya arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Iran, isticmaalka saldhigyada Talyaaniga iyo hadallo shaqsi ah oo Trump ka sheegay kulankii G7.

Trump ayaa Sabtidii sheegay in Meloni ay “si liidata uga shaqeyneyso Talyaaniga marka la eego heerka taageeradeeda,” wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay inaysan taageerin dadaallada Mareykanka ee looga hortagayo in Iran ay hesho ama horumariso hub nukliyeer ah.

Meloni ayaa qoraal ay soo dhigtay Instagram ku sheegtay in weerarrada joogtada ah ee Trump ay yihiin kuwo aan sabab lahayn oo aan macno sameynayn.

“Marka laga hadlayo taageeradeyda, saaxiibtinimadaada dhab ahaantii ima aysan caawin, mana ku xirna xiriirka aan adiga kula leeyahay,” ayay tiri Meloni.

“Taageeradeyda adiga shaqo kuguma laha. Waxaan kugula talinayaa inaad xoogga saarto taada,” ayay raacisay.

Hadalka Meloni ayaa yimid kadib markii Trump uu mar kale ku celiyay sheegashadiisii ahayd in ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ay “marar badan” ka codsatay inay sawir wada galaan intii uu socday shirkii G7 ee toddobaadkan ka dhacay Faransiiska.

Trump ayaa horey wareysi uu siiyay telefishinka Talyaaniga ee La7 ku sheegay in Meloni ay “ka baryaysay” sawir, isla markaana uu “u naxay” kadibna oggolaaday.

“Waxay si aad ah u rabtay inay sawir ila gasho; waan u naxay,” ayuu Trump ku sheegay wareysigaas, sida ay baahiyeen warbaahinta Talyaaniga.

Meloni ayaa Jimcihii sheegashadaas ku tilmaantay mid yaab leh, iyadoo muuqaal ay soo dhigtay Instagram ku tiri inay “si dhab ah ula yaabtay” hadalka Trump.

“Ma garanayo sababta madaxweynaha Mareykanka uu sidan ugula dhaqmo xulafada,” ayay tiri Meloni, iyadoo intaas ku dartay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee arrintan oo kale dhacdo.

“Laakiin hal arrin waa inuu xusuustaa: aniga iyo Talyaaniga midkeenna waligiis ma baryo,” ayay raacisay.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay markii Trump uu sheegay in Meloni ay Mareykanka ku keentay “caqabad weyn oo dhanka saadka ah,” kadib markii Talyaanigu uu diiday in Mareykanku isticmaalo xarumo diyaaradeed oo Talyaani ah si uu howlgallo militari uga fuliyo Iran.

Meloni ayaa sheegtay in isticmaalka saldhigyada Talyaaniga uu ku dhisan yahay heshiisyo dowladeed oo jira, isla markaana aan la jebin karin inta ay iyadu xafiiska joogto.

“Isticmaalka saldhigyada Talyaaniga waxaa maamula heshiisyo aan mar walba ixtiraamnay, kuwaas oo aan la jebin karin inta aan anigu ra’iisul wasaare ahay,” ayay tiri.

Isdhaafsigan ayaa muujiyay kala fogaansho sii kordheysa oo u dhaxeysa Washington iyo Rome, gaar ahaan tan iyo markii Mareykanka uu qaaday tallaabooyin militari oo ka dhan ah Iran sanadkan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sidoo kale baajiyay safar uu ku tegi lahaa Mareykanka horraanta toddobaadka soo socda, arrintaas oo loo arkay calaamad muujineysa sida Rome uga carootay hadallada Trump.

Trump iyo Meloni ayaa lagu arkay iyagoo si dhow u wada hadlaya intii lagu jiray shirkii G7, waxaana Meloni ay markii hore weriyeyaasha u sheegtay in xiriirkooda uusan is beddelin, isla markaana aysan jirin “eedeyn” dhex martay.

Laakiin wax yar kadib, Trump ayaa wareysiga uu siiyay La7 ku sheegay hadallo sababay caro siyaasadeed oo ka dhalatay Talyaaniga, iyadoo siyaasiyiin ka kala tirsan xisbiyada kala duwan ay taageero u muujiyeen Meloni.

Muran kale oo hore ayaa labada hoggaamiye dhex maray sanadkan, kadib markii Trump uu baraha bulshada ku weeraray Pope Leo XIV, isaga oo ku tilmaamay mid “daciif ah marka loo eego wax ka qabashada dembiyada” isla markaana ku xun siyaasadda dibadda. Meloni ayaa markaas ku tilmaantay hadalkaas mid “aan la aqbali karin.”

Labada hoggaamiye ayaa horey u lahaa xiriir siyaasadeed oo dhow, iyadoo Meloni ay ahayd hoggaamiyihii keliya ee Yurub ka socday ee ka qeyb galay caleemo-saarkii Trump bishii Janaayo 2025.

Hase yeeshee, muranka hadda soo baxay ayaa muujinaya in xiriirkaas uu wajahayo tijaabadii ugu adkeyd, iyadoo Meloni ay isku dayeyso inay difaacdo sharafta Talyaaniga, halka Trump uu sii wado weerarro shaqsi iyo siyaasadeed oo ka dhan ah mid ka mid ah xulafadii ugu dhoweyd ee Yurub.

- Advertisement -

Read more

Local News