27.2 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Iiraan oo mar kale xirtay marinka Hormuz iyo sababta ka dambeysa

Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) – Taliska sare ee ciidamada Iiraan ayaa ku dhowaaqay inay mar kale xireen Marinka Hormuz, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay ku xad-gudbeen heshiiskii xabbad-joojinta ee dhawaan la gaaray, kaas oo la filayay inuu yareeyo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Iiraan ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu xiray marinka uu yimid kadib markii, sida ay sheegeen, la jebiyay qodobbo muhiim ah oo ka mid ahaa heshiisyadii lagu doonayay in lagu joojiyo dagaallada iyo weerarrada ka socda gobolka.

Iiraan ayaa si gaar ah ugu eedeysay Israa’iil inay sii waddo duqeymaha ay ka fulineyso koonfurta dalka Lubnaan, inkastoo uu jiray heshiis xabbad-joojin ah oo la filayay inuu dhaqangalo maalmo ka hor.

Tehran waxay ku doodday in weerarradaasi ay si toos ah u dhaawaceen dadaalladii diblomaasiyadeed ee socday.

Bayaanka taliska ciidamada Iiraan ayaa lagu sheegay in lagu xad-gudbay qodobkii ugu horreeyay ee heshiiska, kaas oo dhigaya in aan la weerarin dhulka Lubnaan. Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku difaacayaan amniga gobolka iyo danahooda istaraatiijiga ah.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa weli sii wadda weerarro ay ka fulineyso qeybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, iyadoo sheegaysa inay beegsaneyso saldhigyo iyo xubno ka tirsan Xisbullah. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in heshiisyadii la gaaray ay burburaan.

Marinka Hormuz ayaa ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee dhoofinta tamarta caalamka, waxaana mara qiyaastii shan meelood meel saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida laga isticmaalo.

Dalalka Khaliijka ee saliidda dhoofiya ayaa si weyn ugu tiirsan marinkan, waxaana xiritaankiisu saameyn toos ah ku yeelan karaa dhaqaalaha adduunka.

Sida ay hore u sheegeen hay’adaha tamarta caalamiga ah, oo ay ku jiraan Hay’adda Tamarta Caalamiga ah (IEA) iyo Maamulka Macluumaadka Tamarta Mareykanka (EIA) mar kasta oo ay xiisad ka dhalato Marinka Hormuz waxaa sare u kaca qiimaha shidaalka iyo walaaca la xiriira sahayda tamarta ee caalamka.

Maraakiibta ganacsiga ayaa dib u billaabay inay isticmaalaan marinkan kadib heshiis ku-meel-gaar ah oo toddobaadkan ay wada gaareen Mareykanka iyo Iiraan. Hase yeeshee, go’aanka cusub ee Tehran ayaa la filayaa inuu dib u kiciyo walaaca suuqyada caalamiga ah, iyadoo falanqeeyayaasha ay ka digayaan in xaaladdu ay horseedi karto qalqal cusub oo ka dhaca suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News