25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 21, 2026

Wariye Cabdulqaadir OK oo ka badbaaday isku-day dil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Wariye Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, oo loo yaqaan Cabdulqaadir OK, ayaa maanta ka badbaaday isku-day dil oo la sheegay in lala damacsanaa, kadib markii laba nin oo hubeysan ay tageen afaafka hore ee gurigiisa, sida uu wariyuhu u sheegay warbaahinta Caasimada Online.

Ragga hubeysan, oo watay mooto, ayaa la sheegay inay marka hore dadka xaafadda qaarkood weydiiyeen in wariyuhu guriga joogo, iyagoo isku dayayay inay isu ekaysiiyaan dad caadi ah. Wararka ayaa intaas ku daraya in markii dambe ay u dhaqaaqeen dhinaca albaabka guriga, iyagoo doonayay inay garaacaan.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in uu helay xog ku saabsan ragga hubeysan iyo ujeedkooda, kadibna uu si degdeg ah ula xiriiray booliska. Hase yeeshee, ragga ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta aysan ciidamada amniga gaarin xaafadda.

“Waxaan ka badbaaday isku-day dil,” ayuu wariyuhu u sheegay Caasimada Onlinee, isagoo sheegay in ragga hubeysan ay baxsadeen markii ay ka war heleen in booliska la wacay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda isku-daygaas, mana jirto wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku saabsan dhacdada.

Cabdulqaadir OK ayaa ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee muddo dheer ka shaqeynayay saxaafadda, gaar ahaan tebinta dhacdooyinka amni, qaraxyada iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhaca Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay ee wariyahan uu ka badbaado weerar. Horey waxaa loogu xiray qarax gaarigiisa, waxaana sidoo kale uu ku dhaawacmay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Muqdisho xilli uu ku guda jiray shaqadiisa wariyenimo.

Waxaa ka mid ah qaraxyadii xooganaa ee 29-kii October 2022 ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan, islamarkaana lagu dilay wariye Maxamed Ciise Koonaa.

Cabdulqaadir OK iyo sawir-qaade Feysal Cumar ayaa ka mid ahaa wariyeyaashii ku dhaawacmay weerarkaas, xilli ay goobta u tageen inay tebiyaan khasaaraha ka dhashay qaraxii koowaad.

Weerarkaas waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab, taas oo muddo dheer beegsan jirtay wariyeyaasha, shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah.

Dhacdadan ayaa mar kale muujineysa khatarta joogtada ah ee ay wajahayaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Muqdisho, oo inta badan tebiya weerarro, qaraxyo, arrimo amni iyo khilaafaad siyaasadeed.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka ugu halista badan dunida ee saxafiyiinta ka shaqeeya. Wariyeyaal badan ayaa lagu dilay qaraxyo, toogasho qorsheysan iyo weerarro kale, halka qaar kalena ay wajahaan hanjabaad, xarig iyo cadaadis ka yimaada dhinacyo kala duwan.

Ururrada u dooda xuquuqda saxafiyiinta ayaa marar badan ku baaqay in la xoojiyo ammaanka wariyeyaasha, lana baaro weerarrada lala beegsado, si looga hortago in dembiyadu noqdaan kuwo aan cidna lagula xisaabtamin.

- Advertisement -

Read more

Local News