Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay falkii lagu dhibaateeyay gabar Soomaaliyeed oo ku sugneyd goob fagaare ah oo lagu soo dhaweynayay mid kamid gabdhaha isticmaala baraha bulshada oo kusoo laabatay Muqdisho.
Xeer Ilaalinta ayaa shaaca ka qaaday inay wado baaris ku aadan dhacdadaas, oo ay si weyn uga xumaadeen dadka Soomaaliyeed, kadib markii muqaalka gabadha yar lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoo toos loogu xagdudbayo.
“Xafiisku wuxuu si gaar ah baaris ugu wadaa dhacdo foolxun oo ka dhacday baraha bulshada, taas oo ay geysteen dhalinyaro kuwaas oo ku xadgudbay gabadh Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo kiiskaasi.
Waxaa kale oo uu xafiisku digniin adag u diray dhammaan shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshada oo uu uga digay waxyaalaha dhaqan xumada ah.
Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi ayaa farriin u diray dadweynaha Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay la raadinayaan dambiileyaasha oo ay baadi goobayaan laamaha amniga.
Macallin Mahdi ayaa sheegay inay ka go’an tahay in cadaaladda la horgeeyo ragga sameeyay xadgudubka, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.
“Muwaadin, haddii aad la kulanto ama aad hesho xog ku saabsan dhalinyaradii ku kacay falkii Anshax xumada ahaay ee lagula kacay, gabar Soomaaliyeed, fadla soo wac 991 amm199,” ayuu isna yiri Taliye Macallin Mahdi.


