Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taabacsan Madaxweynihii hor ee Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada daacadda u ah Lafta-gareen ay si kadis ah u weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin bannaanka magaalada, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo socday muddo daqiiqado ah.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhawaqa rasaasta laga maqlayay gudaha magaalada, isla markaana dhinacyadu ay is waydaarsadeen hubka noocyadiisa, taas oo keentay in cabsi ay dareemaan shacabka Baydhaba.
Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamada weerarka qaaday oo horay looga saaray gudaha Baydhaba ayaa muddooyinkan isku uruursanayay deegaannada hoos yimaada magaalada, halkaas oo marar badan ay kasoo duubeen muuqaallo hanjabaad ah oo ku aadanaa doorashadii dhacday Koonfur Galbeed ee uu kusoo baxay Sheekh Aadan Madoobe oo taageero buuxda ay siisay Dowladda Soomaaliya.
Xaaladda saaka ee magaalada ayaa deggan, inkastoo la hadal hayo dagaallada soo noq-noqday ee u dhexeeya labada dhinac.
Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, iyadoo habeen hore Muqdisho laga sagootiyay hoggaamiyaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii munaasabad casho sharaf ah loo oogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

