25.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

War cusub oo kasoo kordhay furitaanka BF Soomaaliya + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka sare ee labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan xasaasi ah ayaa diiradda ku saaray diyaar-garowga iyo ka-tashiga furitaanka Kalfadhigga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilli dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare, ahna Xoghaye Ku-xigeenka Aqalka Sare BJFS.

Guddoonka Labada Aqal ayaa yeeshay dood iyo falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda dib u furista Kalfadhiga 8-aad, si Baarlamaanku u sii ambaqaado gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu adkeeyey doorka muhiimka ah ee Baarlamaanku ku leeyahay horumarinta dowladnimada, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Intaas kadib guddoonka labada Aqal ayaa isku raacay furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11aad, si uu u sii ambaqaado gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, iyadoo taariikhda rasmiga ah ee furitaanka Kalfadhigan la shaacin doono maalmaha soo socda, gaar ahaan marka la dhammeystiro diyaar-garowga lagama maarmaanka ah iyo xaqiijinta kooram buuxa oo ay yeeshaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoonka sare ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in Baarlamaanku si hufan, daahfuran iyo mas’uuliyad leh u guto waajibaadkiisa qaran, isla markaana uu dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed inta lagu jiro kalfadhiga cusub.

Kalfadhiggan 8-aad ayaa waxaa Baarlamaanka horyaalla shaqooyin muhiim ah, waxaana ugu horreeya in marka hore lasoo buuxiyo kursiga guddoomiyaha ee uu banneeyay Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale laga sugayaa shaqo kale oo ku aaddan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arimaha masiiriga ah, sida doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka dastuurka oo ay weli isku hayaan dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

- Advertisement -

Read more

Local News