25.2 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday inuu bilowday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in uu bilowday xilliga bad-xiranka oo ah xilli ay ka jiraan mowjado iyo dabeylo xooggan oo saameeya Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo khatar gelin kara isu-socodka iyo howlaha ka socda badda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muddada bad-xiranka ay socon doonto laga bilaabo 1-da Juun ilaa 15-ka Sebteembar 2026, iyadoo muddadaas la filayo in xaaladaha cimilada badda ay noqdaan kuwo aad u adag.

Wasaaraddu waxay ku wargelisay ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo dhammaan dadka ku tiirsan howlaha badda inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah inta lagu jiro muddadaas, si looga hortago khataraha ka dhalan kara cimilada.

Digniinta ayaa si gaar ah u quseysa doomaha yaryar, maraakiibta dhexdhexaadka ah iyo kuwa waaweyn ee cabirkoodu ka yar yahay 1,500 metric ton, maadaama ay si weyn ugu nugul yihiin mowjadaha iyo dabeylaha xooggan ee ka dhasha xilliga bad-xiranka.

Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayaa looga digay inay ku dabaashaan badda muddadaas, iyadoo wasaaraddu ay sheegtay in xaaladda badda ay sababi karto halis naf iyo hantiyeed oo ka dhalata isbeddellada cimilada iyo kacdoonka hirarka.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in ujeeddada digniintan ay tahay ilaalinta nolosha dadka iyo hantidooda, iyadoo la tixgelinayo khataraha la xiriira cimilada badda ee xilligan sannad kasta soo noqnoqda.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si xilkasnimo leh uga jawaabaan digniinta la soo saaray, isla markaana ay raacaan talooyinka iyo tilmaamaha la xiriira badbaadada badda inta lagu jiro xilliga bad-xiranka.

- Advertisement -

Read more

Local News