25 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

R/W Xamza oo soo gebo-gebeeyay safarkii Galmudug iyo xafiiskiisa oo shaaciyay natiijada

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa galabta soo gebogabeeyey safar shaqo oo laba maalmood qaatay oo uu ku joogay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

Intii uu ku sugnaa Dhuusamareeb, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda, amniga iyo geeddi-socodka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa si guul leh u soo gaba-gabeeyey wada-hadalladii uu la yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), kuwaas oo xoogga lagu saaray sidii deegaannada Galmudug uga dhici lahayd doorasho nabdoon oo hufan.

Xukuumadda DanQaran ayaa dadaal ku bixinaysa in doorashooyinka Galmudug ay ku qabsoomaan jawi deggan oo xasilloon, si looga fogaado wax kasta oo dib-u-dhac ku keeni kara horumarka laga gaaray dowlad-dhiska iyo xasilloonida maamulka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Madaxweyne Qoor-Qoor ku bogaadiyey go’aannadii uu shaaciyey ee la xiriiray qabsoomidda doorashada qof iyo cod, isaga oo xusay sida ay uga go’an tahay in doorashada la qabto, kadibna xilka si nabadgelyo iyo masuuliyad leh loogu wareejiyo cidda ku guuleysata.

Ka hor inta uusan ka ambabixin Dhuusamareeb, Mudane Xamza ayaa kulan la qaatay siyaasiyiinta Galmudug ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado dowlad-dhiska Galmudug iyo xoojinta dhaqanka dimuqraadiyadeed ee isu wareejinta xukunka.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku sii sagootiyey Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad.

- Advertisement -

Read more

Local News