Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay munaasabadda 1-da Luulyo ee xuska 66-guurada xorriyadda Soomaaliya, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Saciid Deni oo si adag u hadlay ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba ka tanaasuli doonin nidaamka federaalka, isla markaana aysan aqbali doonin in dad siyaasadeysan ay ciidan u adeegsadaan arrimo siyaasadeed.
Wuxuu ballanqaaday in Puntland ay heegan buuxa ugu jirto difaaceeda, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad. Wuxuu sheegay in askartii iyo saraakiishii dagaalkaas ku dhimatay ay u naf-hureen xorriyad iyo difaaca dhulka Puntland, sidaas darteedna aan marnaba la aqbali doonin cid waxyeeleysa amniga iyo nidaamka Puntland.
Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in guud ahaan shacabka Puntland ay ku taagnaadaan waddadii ay jeexeen aasaasayaashii Puntland iyo awoowayaashood.
“Muqdisho waa caasimaddii Soomaaliya. Marna ma oggolaan doonno in kali-talisnimo dambe ay dalka ku soo noqoto. Dadka reer Muqdisho waxaan u ballanqaadeynaa inaan garab iyo gaashaan u nahay, si dalkani u noqdo dal dimuqraadi ah oo sharcigu ka shaqeeyo, dadkiisuna ixtiraamaan dastuurka, kuna dhaqmaan nidaamka federaalka,” ayuu yiri Saciid Deni.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland aysan ka tanaasuli doonin nidaamka federaalka, isla markaana aysan aqbali doonin in ciidan loo adeegsado dano siyaasadeed.
“Waxaan ballanqaadayaa in ciidamada Puntland ay heegan ugu jiraan difaaca amniga. Marna ma aqbali doonno in la waxyeeleeyo quruxda iyo nabadda Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.
Deni ayaa sidoo kale si adag u weeraray Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isagoo sheegay in hadallo dhowaan ka soo yeeray ra’iisul wasaaraha ay ka dambeeyeen dad kale.
“Waxaan ka xumahay hadalladii uu dhowaan ku hadlay Xamse. Waxaan aad u jeclaan lahaa in odayga hadalka u soo dhiibay uu isagu sidaas yiraahdo. Ninka hadalkaas u soo dhiibay waan garaneynaa. Reer Puntland cuqdad ma qabaan, waxa ay rabaan inay sheegaanna kama gabadaan. Danta aan dowladnimada ka leenahay way cadahay,” ayuu yiri Saciid Deni.
Deni ayaa hadalkiisa sii raaciyay weerar siyaasadeed oo uu ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Ninka dadkiisa dilayay, madaxdhaqameedkiisa iyo isimadiisa dilayay, ee ku hoggaaminayay diyaaradaha drone-ka, ninkaas ayaan filayaa inuu cuqdadeysan yahay oo Soomaali dhan u cuqdadeysan yahay,” ayuu yiri Saciid Deni.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in reer Puntland ay yihiin dad ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo, ayna mar walba u taagan yihiin ilaalinta nidaamka federaalka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Saciid Cabdullaahi Deni, oo hadda ku jira muddo-xileedkiisii labaad ee madaxtinimada Puntland, ayaa laba jeer u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse kuma guuleysan inuu helo codadka ku filan ee xildhibaannada baarlamaanka federaalka.
Khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe ka sii darayay, wuxuuna salka ku hayaa arrimo ay ka mid yihiin wax ka beddelka dastuurka, nidaamka doorashooyinka, awood-qeybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, iyo sida loo maamulayo amniga dalka.
Puntland ayaa hore u sheegtay inay kalsoonidii kala laabatay dowladda federaalka, kadib markii baarlamaanka federaalka uu meel mariyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka. Maamulka Garoowe ayaa ku dooday in isbeddelladaas aan lagu sameyn hannaan wada-ogol ah, isla markaana ay wiiqayaan nidaamka federaalka ee Soomaaliya.
Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in dhameystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah ay muhiim u yihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya, hase yeeshee Puntland iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeya Villa Somalia inay awoodda ku uruurineyso xarunta dhexe, ayna dhinac mareyso heshiis siyaasadeed oo ballaaran.
Khilaafka labada dhinac ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay wada-shaqeynta amniga, iyadoo Puntland ay dhowr jeer sheegtay inay si madax-bannaan ula dagaalameyso kooxaha argagixisada, gaar ahaan Daacish-ta ku sugan buuraha Calmiskaad. Dowladda federaalka ayaa iyaduna sheegta in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu u baahan yahay istiraatiijiyad qaran oo mideysan iyo wada-shaqeyn heer federaal ah.
Hadallada adag ee Saciid Deni ayaa sidaas darteed qeyb ka ah khilaaf siyaasadeed oo ka ballaaran munaasabadda 1-da Luulyo, kaas oo muujinaya sida weli ay u kala fog yihiin aragtida Puntland iyo tan Villa Somalia ee ku saabsan mustaqbalka federaalka, doorashooyinka iyo awood-qeybsiga Soomaaliya.

