Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa shalay booqashadiisii ugu horreysay ku yimid magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtinnimada Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay ku qaabileen Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne.
Madaxweynaha Galmudug, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka, ayaa sheegay in “ciyaartii ay soo dhammaatay”, isaga oo ula jeeday xiisaddii siyaasadeed ee ka taagneyd Galmudug.
“Deegaankii aad nagu ogeydeen ayaan ka nimid, nabad, barwaaqo, doorasho iyo horumar ayaana ka socda,” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor, isaga oo intaas ku daray: “Waxa kale oo ka socda is-ogol, isu-tanaasul iyo is-rabitaan.”
Madaxweyne Qoorqoor, oo ay garab taagnaayeen Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad iyo Liibaan Axmed Xasan, oo ah musharraxa Urur Siyaasadeedka JSP ku meteli doona doorashada soo socota ee Galmudug, ayaa muujiyay in siyaasadda ay leedahay loollan iyo xamaasad, balse marka xiisaddu dhammaato ay sharaf iyo qurux tahay in gacmaha la is qabsado, lana is cafiyo.
“Rag badan oo aan saaxiibo nahay, mararka qaarna kabaha la isaga istaagayey, ayaan galabta halkan isugu nimid. Siyaasaddu waxay leedahay in mararka qaar kabta la isaga istaago, balse wax la isku qabaana ma jiraan. Marka ciyaartii way soo dhammaatay ee caadi ha la iska dhigo,” ayuu yiri Qoorqoor.
Qoorqoor ayaa weedhahan u adeegsaday inuu ku xoojiyo hadalkiisii hore ee dabayaaqadii bishii June, xilligaas oo uu ku dejinayay xiisaddii siyaasadeed ee kala dhexeysay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Ciyaartii hore way soo dhammaatay. Odaytinimo, inaan wax maslaxo iyo inaan wax xalliyo wax aan ahayn hadda kaddib la iiguma imaan doono,” ayuu yiri Qoorqoor.
Waxa uu intaas ku daray: “Hadda waa bog cusub, waana inaan hore u soconnaa; tan Soomaaliyana hore u wada wadnaa, tan reer Galmudugna way xallisan tahay, xalna way ku dhammaan doontaa.”
Qoorqoor ayaa maalmaha soo socda sii joogi doona caasimadda Muqdisho, iyadoo la filayo inuu kulamo la yeesho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

