25.8 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Xasan oo shaaciyey in uu doonayo in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka lagu daro…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda federaalka ay dooneyso in xiriirka kala dhexeeya Mareykanka uu ka gudbo iskaashiga amniga oo muddo dheer ahaa tiirka ugu weyn ee xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Khamiistii ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, laguna xusayay 250-guurada kasoo wareegtay madax-bannaanida Mareykanka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta raadineyso iskaashi ballaaran oo taabanaya ganacsiga, maalgashiga, teknolojiyadda, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhaqaalaha buluugga ah.

“Iskaashiga amniga weli waa muhiim, maadaama aan sii wadno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, islamarkaana aan xoojineyno awoodda hay’adaha amniga qaranka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray in ajandaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykanka “uu ka ballaaran yahay amniga oo keliya”.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Washington uu wajahayo marxalad xasaasi ah. Mareykanka ayaa weli ka mid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, dhismaha hay’adaha dowladda iyo taageerada dhaqaalaha.

Si kastaba, Washington ayaa dhawaan shaacisay inay joojineyso ama xanibeyso taageerada xafiiska Qaramada Midoobay u siiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo loo yaqaan UNSOS. Xafiiskaas ayaa bixiya adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, gaadiidka, caafimaadka iyo saadka ciidamada howlgalka AUSSOM.

Arrintaas ayaa dhalisay walaac cusub oo ku saabsan mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaas oo kaalin weyn ku leh taageerada dowladda federaalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka niyad jabsan tahay gaabiska laga sameeyay dhismaha amniga, khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha iyo awoodda Soomaaliya ay si buuxda ugula wareegi la’dahay mas’uuliyadda amnigeeda, inkastoo sanado badan taageero caalami ah la siinayay.

Sidaas darteed, hadalka Xasan Sheekh ee ku saabsan in xiriirka labada dal loo raro dhinacyo dhaqaale iyo horumarineed ayaa u muuqda isku day ay Muqdisho ku muujineyso in iskaashiga Washington uusan ku koobnaan karin oo keliya dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursado badan u aragto iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Mareykanka, gaar ahaan xilli dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika, kheyraad badeed ballaaran, dhul beereed, xoolo iyo suuq wali u baahan kaabayaal dhaqaale oo waaweyn.

Wuxuu sheegay in dowladdu waddo isbeddello sharci iyo hay’adeed oo lagu xoojinayo hannaanka maamulka, laguna abuurayo jawi ku habboon ganacsiga iyo maalgashiga.

Isbeddelladaas, ayuu sheegay, waxaa looga gol leeyahay in Soomaaliya ay noqoto dal tartan geli kara, soo jiidan kara maalgashadayaasha, kana faa’iideysan kara xiriirkiisa caalamiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Mareykanka uga mahadceliyay taageerada muddada dheer ee uu siiyay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha hay’adaha qaranka, horumarinta dhaqaalaha, taageerada dib-u-habeynta iyo dadaallada lagu raadinayo nabad iyo amni waara.

Wuxuu dowladda iyo shacabka Mareykanka ugu hambalyeeyay sanad-guurada 250-aad ee madax-bannaanidooda, isagoo sheegay in munaasabaddaas ay tahay fursad lagu qiimeeyo iskaashiga caalamiga ah ee gacan ka geysan kara nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada dunida.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa muddo dheer ku dhisnaa amniga, la-dagaallanka Al-Shabaab iyo taageerada ciidamada. Laakiin dowladda federaalka ayaa hadda dooneysa in xiriirkaas lagu daro bog cusub oo dhaqaale, kaas oo haddii uu hirgalo wax ka beddeli kara qaabka labada dal u wada shaqeeyaan sanadaha soo socda.

- Advertisement -

Read more

Local News