Baydhaba (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Xamza ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud uga hortegay Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kadibna waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada oo mas’uuliyiinta labada dhinac ay ku yeesheen kulan hordhac ah.
Sidoo kale, soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.
Ujeedka Ra’iisul wasaaraha dalka iyo wafdigiisa ayaa ah ka qayb-galka xafladda Caleemo-saarka Madaxweyne Aadan Madoobe oo dhawaan kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Munaasabadda Caleemo-saarka Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan madaxda ugu sarraysa dalka oo ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, diblumaasiyiin, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale, taas oo ka tarjumaysa muhiimadda ay leedahay munaasabaddan iyo doorka Koonfur Galbeed ee geeddi-socodka dowlad-dhiska, nabadda iyo horumarka dalka.
Magaalada Baydhaba waxaa hadda ku sugan Madaxweyneyaasha HirShabelle, Waqooyi Bari, ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guuddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo madax kale.
Dhanka kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah iyo bannaanka magaalada, si ay uga hortagaa isku day kasta oo lagu carqaladeyn karo calemo-saarka Aadan Madoobe.
Si kastaba, ha’ahaatee Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana haatan magaalada Baydhaba ay martigelinaysa wufuud kala duwan iyo mas’uuliyiin heerar kala duwan leh oo ka qayb-galaya munaasabadda.


