25.3 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Guddiga Farmaajo u magacaabay wada-hadallada DF oo tallaabo qaaday +

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga farsamo ee uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta qaaday tallaabadii ugu horreysay, waxayna guda galeen waajibaadka loo igmaday ee ku aadan wada-hadallada arrimaha doorashooyinka qaranka.

Guddiga oo ka kooban illaa 7 xubnood oo aad ugu dhow Farmaaho ayaa isla maanta ka qayb-galay wajiga koowaad ee wada-hadallada, waxayna soo bandhigeen aragtidooda ku aadan doodda siyaasadeed ee taagan.

Warsaxaafadeed ay soo saareen xubnahan ayaa waxa ay ku sheegeen in marxaladda lagu jiro looga gudbi karo midnimo iyo wadajir bulsho.

“Guddiga Farsamada ee matalaya Nabad iyo Nolol ayaa haatan guda galay wajiga 1-aad ee wada-hadallada arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo ka duulaya aragtida Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku saleysan in midnimo iyo wadajir looga gudbo xaaladda murugsan ee dalka,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale, guddiga ka socda Farmaajo ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in is-afgarad buuxa la gaaro, isla markaana ku dhisan is ixtiraam, si loo xaqiijiyo doorasho loo dhan yahay iyo dastuur heshiis lagu wada yahay.

“Guddiga Sare ee Nabad iyo Nolol waxa ay xoojinayaan dadaallada lagu raadinayo is-afgarad siyaasadeed oo ku saleysan wadatashi iyo ixtiraamka mabaadi’da dastuurka heshiiska lagu yahay, si loo gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay, hufan, isla markaana xoojiya midnimada iyo xasilloonida dalka,” ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Kulammadan wadatashiga ah waxaa ku matalaya Nabad iyo Nolol; 1.⁠ ⁠Maxamed Cabdirisaaq Abubakar – Wasiir Hore, khabiir arrimaha doorashooyinka. 2.⁠ ⁠Cabdicasiis Cabdi Ashkir – Lataliye Sare, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. 3.⁠ ⁠Cabdishakuur Cali Mire – Xildhibaan Golaha Shacabka iyo Wasiir hore. 4.⁠ ⁠Siciid Xuseen Ciid – Wasiir iyo Xildhibaan Hore. 5. ⁠Abdirahman Kulmiye Hirsi – Wasiir iyo Xildhibaan Hore. 6.⁠ ⁠Xasan Cabdi Nuur – Xildhibaan Golaha Shacabka ah, Wasiir Hore. 7.⁠ ⁠Garyaqaan Xuseen Cabdi Cilmi – Wasiir Hore.

Si kastaba, wada-hadallada Villa Somalia iyo mucaaradka ayaa maanta si rasmi ah u bilowday, waxaana garwadeen ka ah beesha caalamka.

- Advertisement -

Read more

Local News