Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka.
Wada-hadalladan oo ay garwadeen ka yihiin Turkiga iyo xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiinta Villa Somalia, Golaha Mustaqbalka iyo xubno ka socda kooxda Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Shirka maanta oo ahaa mid hordhac ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii la’isugu raaci lahaa qodobada rasmiga ah ee wada-hadallada iyo ajendaha kulamada dambe ee dhex-mari doono labada dhinac.
Doodda ugu wayn ee wada-hadallada ayaa taaban doono dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka oo ah labada qodob ee ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka.
Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa doorashooyin qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay iyana soo bandhigeen nooc doorasho oo cusub oo ay sheegeen inay ku faah-faahin doonan wada-hadallada hadda bilowday, si looga heshiiyo.
Ma cadda sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada wada-hadallada ay hormuudka u tahay beesha caalamka ee hadda la guda galay.
Soomaaliya haatan waxay ku jirtaa xilli xasaasi ah oo kala guur ah, waxaana sidoo kale taagan xaalado bani’aadanimo oo uu abaahan in laga jawaabo.

