24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Puntland oo sharuud ku xirtay inuu Garowe yimaado Jeneral Jimcaale oo wacad ku maray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Waan-waan ay wadeen guddi ka socday gobolka Nugaal iyo taliyaha guutada 54-aad ee dowladda Soomaaliya u soo magacowday Puntland ayaa ku dhammaatay natiijo la’aan, kadib markii guddigaasi uu magaalada Laascaanood kula kulmay Jen. Jimcaale Jaamac Takar.

Caasimada Online ayaa ogaatay in kulamo ka dhacay magaalada Laascaanood, oo dhex maray guddi ka socday gobolka Nugaal, gaar ahaan magaalada Garoowe, iyo Jen. Jimcaale, looga wada hadlay sidii loo dejin lahaa xiisadda ka taagan Garoowe.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay diidmada maamulka Saciid Deni ee ku aaddan in Jen. Jimcaale uu gudaha u galo magaalada Garoowe, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay u soo magacowday inuu hoggaamiyo ciidamada qaybta 54-aad ee ku sugan deegaannada Puntland.

Jen. Jimcaale ayaa Laascaanood u yimid inuu uga sii gudbo xerooyinka ciidamada dowladda federaalka ka mid noqday ee ku sugan gobollada Nugaal iyo Mudug, balse maamulka Puntland ayaa ka hor yimid safarkiisa.

Maamulka Saciid Deni ayaa shuruud ku xiray gelitaanka Jen. Jimcaale ee Garoowe, isagoo ku adkeysanaya in haddii uu doonayo inuu magaalada soo galo uu marka hore iska casilo xilka dowladda federaalka u magacowday, ama uu warbaahinta ka caddeeyo inaysan jirin magacaabistaas.

Ergo iyo guddi dhexdhexaadin ah oo dalab ka siday xukuumadda Deni ayaa la kulmay Jen. Jimcaale, balse wada-hadalladaasi ayaa fashilmay. Jeneraalku wuxuu sheegay inuusan ka tanaasuleyn mas’uuliyadda ay dowladda federaalka Soomaaliya u igmatay.

Ergadii ka socotay Garoowe ayaa dib ugu laabatay magaalada, iyadoo aan wax natiijo ah oo la isku qanci karo ka soo qaadin Jen. Jimcaale, kaas oo ku adkeysanaya inuu tegi doono Garoowe, islamarkaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta.

Xiriir ay Caasimada Online la sameysay xafiiska warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in Jen. Jimcaale uusan soo geli karin magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaannada Puntland, isagoo wata magacaabista ciidan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ismari-waagan ayaa abuuray cabsi iyo xiisad hor leh, waxaana magaalada Garoowe laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan. Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyay baraha kontorool ee laga soo galo magaalada.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Talaadadii magaalada Garoowe kula kulmay maamullada degmooyinka, isagoo kala hadlay arrimaha amniga iyo dardargelinta howlaha horyaalla maamulka.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maamulka Puntland uu dhawaan ku dhawaaqay in qof xil ka haya dowladda federaalka Soomaaliya uusan soo geli karin xuduudaha iyo garoomada Puntland. Maamulka ayaa sidoo kale xaddiday dhaqdhaqaaqyada ciidamada ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Xiisadda Jen. Jimcaale ayaa hadda u muuqata inay sii ballaarineyso khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, kaas oo muddooyinkii dambe si weyn uga muuqday arrimaha maamulka, ciidamada iyo awoodda dowladda dhexe ee gudaha Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News