26.9 C
Mogadishu
Saturday, July 11, 2026

Ciidamada PUNTLAND oo hub iyo saanad kasoo furtay Daacish

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Difaaca Puntlad oo weli howlgallo kasii wada aagga buuraha Calmiskaad ayaa mar kale weeraray fariimso ay kooxda Daacish ku lahayd halkaasi, iyaga oo jab culus gaarsiiyay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegtay in howlgalka oo guuleystay laga fuliyay deegaanno kala duwan oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah, isla markaana lagu beegsaday goobo gabaad u ahaa kooxda Daacish.

Sidoo kale, ciidanka ayaa intii ay howlgallada fulinayeen ku guuleystay inay bartilmaameedsadaan kooxo ka tirsan Daacish, iyaga oo goobta ku dilay tiro dagaalyahanno ah iyo horjogayaal ka tirsanaa kooxda.

Ciidamada Puntlad ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan saanad ciidan oo isugu jirtay hub, rasaas iyo agabyo kale oo ay kooxda adeegsanaysay, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda argagixisada Daacish, kuwaas oo ku dhuumaleysanaaya meelo kooban oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad.

Ujeedka howlgalladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga kooxda Daacish oo muddo dheer ay la dagaalameyso Puntland.

Buuraleyda Calmiskaad, oo ka tirsan silsiladda buuraha Golis ee gobolka Bari, ayaa muddooyinkii dambe noqotay fariisinka ugu weyn ee Daacish-ta Soomaaliya. Dhulkaas oo ah buuro dhaadheer, godad iyo marinno adag ayaa kooxda u noqday gabbaad ay ku dhuumato, ku tababarto, kuna qorsheyso weerarrada ay ka fuliso Puntland.

Kooxda ayaa halkaas ka dhistay saldhigyo iyo godad difaac ah, iyadoo mararka qaar isku dayda inay maamusho dhaqdhaqaaqa dadka iyo adeegyada muhiimka ah ee deegaanada ku dhow.

Si kastaba, Puntland ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay kordhisay howlgallada ka dhanka ah Daacish, gaar ahaan tan iyo markii kooxda ay isku dayday inay ballaariso saameynteeda buuraha gobolka Bari.

- Advertisement -

Read more

Local News