Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa la filayaa inuu maanta oo Axad ah si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu iska casilay xilka guddoomiyenimada iyo xubinnimada Golaha Guurtida, kadib in ka badan 22 sano oo uu hoggaaminayay golaha.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Saleebaan ayaa qaatay go’aan kama dambays ah oo ku saabsan is-casilaaddiisa, wuxuuna arrintaas la wadaagay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro). Afhayeen u hadlay Golaha Guurtida ayaa sidoo kale xaqiijiyay in guddoomiyuhu si rasmi ah u qaatay go’aanka is-casilaadda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadaallo kala duwan oo lagu doonayay in dib loogu dhigo ama looga noqdo go’aanka is-casilaadda aysan miro dhalin, maadaama Saleebaan uu ku adkaystay inuu baneeyo xilka uu muddada dheer hayay. Waxaa la filayaa inuu go’aankiisa kaga dhawaaqo fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Guurtidu yeelanayo.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo 92 jir ah ayaa xilka guddoomiyaha Golaha Guurtida hayay tan iyo sannadkii 2004, waxaana lagu tiriyaa siyaasiyiinta ugu muddada dheer ee xil sare ka soo qabtay Somaliland.
Dad ku dhow guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu xilka uga degayo ay tahay da’diisa oo sii korortay iyo rabitaankiisa ah inuu ka nasto mas’uuliyadda culus ee uu muddada dheer soo hayay.
Muddadii uu hoggaaminayay Golaha Guurtida, Saleebaan wuxuu door muuqda ka qaatay xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo fududeynta wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Somaliland. Taageerayaashiisu waxay ku ammaanaan kaalintii uu ka qaatay ilaalinta xasilloonida iyo dejinta xiisadaha siyaasadeed ee soo noq-noqday.
Dhanka kale, isaga iyo Golaha Guurtida ayaa sannado badan wajahayay dhaliilo uga imanayay xisbiyada mucaaradka, ururrada bulshada rayidka ah iyo falanqeeyayaasha siyaasadda.
Dhaliilahaasi waxay inta badan la xiriireen muddo-kordhinno loo sameeyay hay’adaha dowladda iyo eedeymo ku saabsan in goluhu uusan si buuxda u gudan waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Haddii is-casilaaddan si rasmi ah u dhaqan-gasho waxay soo afjari doontaa sooyaalka mid ka mid ah hoggaaminnadii ugu muddada dheeraa ee hay’adaha Somaliland.
Golaha Guurtida ayaa sidoo kale la filayaa inuu bilaabo hannaanka dastuuriga ah ee lagu soo dooranayo guddoomiye cusub, iyadoo isbeddelkan si weyn isha loogu hayo marka la eego kaalinta muhiimka ah ee Goluhu ku leeyahay nidaamka siyaasadeed ee Somaliland.

