Muqdisho (Caasimada Online) — Kulamadii maalmihii lasoo dhaafay magaalada ku dhex maray xubno kala matalayay dowladda federaalka Soomaaliya, madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ay dhinac ka joogeen saraakiil ka socday dowladda Turkiga, ayaa waji cusub u yeelay muranka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.
Isbeddellada soo baxay ayaa muujinaya in Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid ay u janjeeraan qorshaha Villa Somalia ee ku dhisan doorasho qof iyo cod ah iyo nidaam xisbiyo badan. Tani waxay dhabar-jab ku noqon kartaa qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda hannaanka doorasho ee ay madaxda dowladda federaalku doonayaan inay dalka ka hirgeliyaan.
Isku-soo-dhawaanshaha siyaasadeed ee Villa Somalia iyo Farmaajo wuxuu muujinayaa in madaxda hadda talada haysa iyo madaxdii hore ay ka heshiin karaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan ka guuritaanka nidaamka awood-qeybsiga beelaha ee 4.5 iyo u gudbidda nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan codka shacabka.
Farmaajo wuxuu horey u taageersanaa in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam xisbiyo iyo doorasho qof iyo cod ah intii uu xafiiska joogay, inkastoo ay xilligaas jireen caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo hor istaagay qorshahaas. Sidaas darteed, inuu hadda taageero ama ku qanco qorshaha Villa Somalia wuxuu la jaanqaadayaa mowqifkiisii hore ee ku aaddanaa hannaanka doorashooyinka dalka.
Waxaa la isweydiinayaa sababta keentay in Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid ay dhinaca siyaasadda uga soo dhowaadaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ay ka biyo diideen in Farmaajo si gaar ah loogu daro guddiyada iyo madalaha wada-hadallada siyaasadeed.
Villa Somalia ayaa kala qeybsanaantaas mucaaradka u aragtay fursad siyaasadeed, waxaana la isla gartay in Farmaajo lagu daro guddiyada la filayo inay qeyb ka noqdaan wada-hadallada soo socda.
Gooni-u-socodka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale lagu micneeyay kalsooni-darro ay ka qabaan madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo loo arko inay saameyn weyn ku leeyihiin qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka.
Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid waxay isku mowqif ka yihiin in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uusan yeelan saameyn siyaasadeed oo xooggan. Labada mas’uul ayaa la sheegay inay Deni ka tirsanayaan tabashooyin iyo khilaafaad siyaasadeed oo hore, taas oo wiiqday kalsoonidii ay ku qabeen isaga iyo isbaheysiga mucaaradka.
Arrintaas ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka qaadatay inay ka fogaadaan mowqifka guud ee mucaaradka, una janjeeraan qorshaha siyaasadeed ee Villa Somalia.
Dhinaca kale, Villa Somalia iyo kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tallaabadan u arka fursad qaali ah oo dhabaha u xaari karta hirgelinta qorshayaasha siyaasadeed, dastuur iyo doorasho ee ay horey u dejiyeen, haddii aysan soo bixin isbeddello kale oo siyaasadeed.
Waxaa sidoo kale socda dadaallo ay wadaan madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo doonaya inay ka hortagaan hannaanka doorasho ee ay taageereen Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid, isla markaana ay Villa Somalia dooneyso inay dalka ka hirgeliso.
Puntland, Jubbaland iyo kooxaha mucaaradka qaarkood waxay ku doodayaan in doorasho qof iyo cod ah aysan xilligan dalka ka qabsoomi karin. Waxay beddelkeeda taageerayaan qorshe doorasho oo ku dhow nidaamka dadban ee awood-qeybsiga beelaha, kaas oo salka ku haya habka 4.5.
Kulanka dowladda iyo mucaaradka ee loo qorsheeyay 20-ka bishan ayaa la filayaa in si weyn loogu gorfeeyo qodobbada la isku hayo, oo ay ugu horreeyaan hannaanka doorashada iyo wax-ka-beddelka dastuurka.
Inta ka horreysa kulankaas, wakiillada beesha caalamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa sii wadi doona kulamada gaar-gaarka ah iyo dadaallada lagu doonayo in la isugu soo dhoweeyo dhinacyada siyaasadda.

