Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay hindise cusub oo loogu magac daray Transitional Direct Elections Model 2026 (TDEM), kaas oo lagu tilmaamay qorshe lagu doonayo in Soomaaliya si tartiib tartiib ah uga gudubto nidaamka doorashooyinka dadban, loona jiheeyo doorashooyin ay shacabka si toos ah ugu codeeyaan wakiilladooda.
Hindisahan ayaa soo jeedinaya in markii ugu horreysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay codkooda si toos ah ugu doortaan xubnaha baarlamaanka federaalka iyo sidoo kale xubnaha baarlamaannada dowlad-goboleedyada, iyadoo la ilaalinayo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 inta lagu jiro marxaladda kala guurka.
Goluhu wuxuu sheegay in qaabkan uu isku dayayo inuu isku dheellitiro baahida loo qabo doorashooyin dadweyne iyo duruufaha siyaasadeed ee dalka ka jira, si aanay u dhicin qalalaase ama khilaaf ka dhasha isbeddel degdeg ah oo lagu sameeyo habka doorashooyinka.
Marka la eego qaabka la soo jeediyay, codbixiyeyaashu waxay isdiiwaangelin karaan isla maalinta doorashada, taasoo meesha ka saareysa baahida loo qabo diiwaangelin muddo dheer socota. Kadib marka la diiwaangeliyo, qof kasta wuxuu hal cod u dhiibanayaa musharraxa kursiga uu doonayo inuu u codeeyo.
Hindisuhu wuxuu sidoo kale caddeynayaa in musharraxa hela codadka ugu badan ee kursi kasta uu si toos ah ugu guuleysanayo xubinnimada baarlamaanka, iyadoo aan la adeegsanayn habab kale oo dheeraad ah oo lagu kala baxo.
Sidoo kale, qorshahan waxaa ku cad in doorashooyinka kala guurka aysan ka qayb geli doonin xisbiyo siyaasadeed. Halkii ay xisbiyadu door ku yeelan lahaayeen, waxaa sii jiri doona nidaamka hadda jira ee ku saleysan qoondaynta kuraasta, si loo ilaaliyo isu dheellitirka siyaasadeed inta lagu jiro marxaladdan.
Doorka odayaasha dhaqanka ayaa isaguna sii ahaanaya mid muhiim ah, maadaama ay sii wadi doonaan masuuliyadda qoondaynta kuraasta beelaha iyo beel-hoosaadyada, taas oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu sheegay inay lagama maarmaan u tahay ilaalinta wadajirka iyo is-afgaradka bulshada.
Goluhu wuxuu ku dooday in TDEM uu yahay xal KMG ah oo kor u qaadaya ka qaybgalka shacabka ee doorashooyinka, isla markaana dhisaya kalsoonida loo baahan yahay si mustaqbalka loogu gudbo nidaam doorasho oo buuxa oo qof iyo cod ah, marka ay dalka u saamaxaan xaaladaha amni iyo siyaasadeed.
Soo jeedintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay weli taagan yihiin doodo xooggan oo ku saabsan nooca doorasho ee Soomaaliya ay yeelan doonto sanadka 2026, iyadoo dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ay weli ka wada hadlayaan hannaanka ugu habboon ee dalka looga qaban karo doorasho loo dhan yahay.











