Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka ee ka howlgala deegaannadiisa, isagoo ku eedeeyay inay ka weecdeen doorkoodii bani’aadannimo, isla markaana ay ku milmeen arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland, Cabdinaasir Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka, gaar ahaan kuwa fuliya mashaariicda horumarineed ee aan waafaqsanayn baahiyaha Puntland, aan loo oggolaan doonin inay ka sii shaqeeyaan deegaannada maamulka.
Wasiirka aya wuxuu xusay in go’aankaasi uu salka ku hayo ilaalinta danaha iyo mudnaanta shacabka Puntland.
“Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya, gaar ahaan kuwa fuliya mashaariicda horumarineed, waxaan u sheegaynaa in mashaariicda aanan ka arkin danaheenna inaan ka joojinay deegaannadayada,” ayuu yiri Wasiir Cabdinaasir Xaaji Yuusuf.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in saamiga ay ka hesho gargaarka caalamiga ah ee Soomaaliya loo qoondeeyo uu aad u yar yahay, iyadoo ku doodday inay hesho wax u dhigma boqolkiiba hal keliya, halka inta badan gargaarkaas loo leexiyo gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah inay qaybinta gargaarka ku saleeyaan arrimo siyaasadeed, halkii ay ku saleyn lahaayeen heerka baahida bani’aadannimo ee ka jirta deegaannada kala duwan ee dalka.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo habka loo qaybiyo gargaarka caalamiga ah, iyagoo dalbaday in lagu saleeyo qiimeyn hufan oo ku salaysan baahida dhabta ah, si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan kaalmo siman oo caddaalad ku dhisan.
Go’aankan ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka iyo hay’adaha gargaarka ee ka joojisay deegaannadeeda kama aysan hadlin eedeymaha iyo go’aanka uu ku dhawaaqay maamulka.

