26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 14, 2026

Maxaa xalay ka dhacay gobolka Hiiraan?

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacday deegaanka Goobo oo qiyaastii 10 KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la sheegay inay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay 42 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 12 kalena lagu dhaawacay.

Dowladda ayaa sheegtay in bartilmaameedku ahaa dagaalyahanno ka firxaday howl-gallo iyo dagaallo hore uga dhacay deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in duqeynta lagu burburiyay gaari nooca ciidamada ah, fariisimo iyo difaacyo ay Al-Shabaab ka sameysteen deegaanka Goobo, kuwaas oo, sida ay sheegtay dowladda, loo adeegsanayay abaabulka iyo dhaqdhaqaaqa kooxda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, howl-galka waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dowladda ayaa xustay in weerarku uu qayb ka yahay howl-gallada joogtada ah ee lagu baacsanayo maleeshiyaadka kooxda ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howl-gallada isdaba joogga ah ee ka socda gobolka Hiiraan ay si weyn u wiiqeen awoodda Al-Shabaab, iyadoo xustay in kooxda ay bilihii la soo dhaafay lumisay dagaalyahanno iyo horjoogayaal lagu dilay howl-gallo ka dhacay gobollo kala duwan oo dalka ah.

Dhanka kale, dowladda ayaa bogaadisay ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada Macawiisleyda ee garabka ka siinaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxay sheegtay in iskaashiga labada dhinac uu horseeday guulo militari oo lagu wiiqay awoodda kooxda.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caddeysay in howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro khatarta ay kooxda ku hayso dalka, iyadoo weli gacanta ku haysa deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News