Washington (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ayaa gashay marxalad cusub oo aad u halis badan, kadib markii labada dal ay is dhaafsadeen weerarro militari, halka hadallo adag oo kasoo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ay sii kordhiyeen walaaca laga qabo in colaaddu ku fido guud ahaan gobolka Khaliijka.
Wararka ayaa sheegaya in Iran ay billowday weerarro ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalalka Khaliijka, iyadoo tallaabadaas lagu sheegay jawaab ay ka bixineyso duqeymihii ugu dambeeyay ee ciidamada Mareykanku ka fuliyeen gudaha Iran.
Madaxweyne Donald Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono difaaca dalalka Khaliijka, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladahaasi ay bixiyaan kharashka ku baxaya sugidda amnigooda.
“Waxaan rabaa in nala siiyo lacag, sababtoo ah waxaan ilaalinaynaa qayb aad u hodan ah oo dunida ka mid ah. Lacag badan ayaan ku bixinnaa arrintan,” ayuu yiri Trump. Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku dhaqaale ka heli doono dalalka uu difaacayo, sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxrayn, Kuweyt iyo dalal kale.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uusan ku tiirsanayn shidaalka Khaliijka, maadaama uu leeyahay keyd shidaal oo ballaaran.
Dhanka kale, Trump ayaa ku dhawaaqay qorsheyaal cusub oo cadaadis dhaqaale lagu saarayo Iran, taas oo kamid tahay go’doominta dekedaha Iran. Wuxuu kaloo sheegay in canshuur dhan 20% lagu soo rogi doono dhammaan maraakiibta xamuulka ee isticmaasha marin-biyoodka Hormuz oo ka mid ah marinnada ganacsiga ee ugu muhiimsan dunida.
Isla waqtigaas, guddoomiyaha gobolka Bushehr ee Iran, Maxamed Mozaffari ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanku ay xalay duqeeyeen laba goobood oo ku yaalla degmooyinka Bushehr iyo Chaghadaq.
Wuxuu sheegay in goobihii la bartilmaameedsaday ay ahaayeen goobo gaar ah, balse baaritaannadii ugu horreeyay ay muujiyeen in aysan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay weerarradaas.
Dhankiisa, Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarradu ay ku beegsadeen goobo militari oo ku yaalla Bushehr, Chabahar, Jask, Konarak, Abu Muusa iyo Bandar Cabbaas.
CENTCOM ayaa xusay in ujeeddada howlgalka ay ahayd in la wiiqo awoodda Iran ee lagu weerari karo ama lagu carqaladeyn karo maraakiibta ganacsiga ee isticmaasha marin-biyoodka Hormuz.
Subaxnimadii Talaadada, ciidanka ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa soo saaray bayaankoodii toddobaad, iyagoo ku dhawaaqay inay si rasmi ah uga jawaabeen weerarradii Mareykanka.
IRGC ayaa sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen xarunta isgaarsiinta dayax-gacmeedka iyo dhismaha ay deggan yihiin ciidamada Mareykanka ee saldhigga Juffair ee dalka Baxrayn.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in isla saaka uu dhacay mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee ay IRGC qaaday tan iyo markii ay colaaddu cirka isku shareertay, iyadoo laba markab oo shidaal sida lagu beegsaday Marinka Hormuz.
Weerarkaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga maraakiibta caalamiga ah iyo saameynta uu ku yeelan karo suuqyada tamarta.
Dowladaha Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay weerarrada, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow IRGC ayaa werisay in weerarro kale laga fuliyay gudaha Kuwait, isla markaana “mowjado qiiq ah” laga arkay magaalada Manama ee caasimadda Baxrayn. Tan ayaa muujinaya in xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran ay sii ballaaraneyso, iyadoo laga cabsi qabo inay isu beddesho dagaal saameeya gobolka oo dhan.

