Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in natiijooyinka ugu horreeya ee sahminta ceelka shidaalka ee Curad-1 la filayo in la helo dhammaadka sannadkan, iyadoo shirkadda shidaalka qaranka Turkiga ee Türkiye Petrolleri Anonim Ortaklığı (TPAO) ay sii wado qodista ceelkan.
Ceelka Curad-1 oo ku yaalla qiyaastii 372 kiiloomitir waqooyi-bari kaga beegan Muqdisho, ayaa noqday ceelkii ugu horreeyay ee si rasmi ah looga qodo badda Soomaaliya. Mashruucan ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u qaaday dhinaca sahminta iyo baarista khayraadka shidaalka ee ku jira baddeeda.
Qodista ceelkan ayaa timid kadib markii la soo gaba-gabeeyay sahmin dhulgariir oo casri ah (3D Seismic Survey) oo laga sameeyay saddex baloog oo badeed. Xogta laga helay sahmintaas ayaa lagu ogaaday meelo loo arkay inay leeyihiin fursado wanaagsan oo shidaal iyo gaas laga heli karo, taasoo sababtay in la guda galo qodista Curad-1.
Sida qorshuhu yahay, ceelka ayaa la filayaa inuu gaaro qoto dhan ku dhowaad 7,500 mitir, halka qodistiisuna ay qaadan karto ilaa 288 maalmood. Taas ayaa ka dhigeysa mid ka mid ah ceelasha shidaalka ee badda ugu qoto dheer ee haatan laga qodayo caalamka, iyadoo hawlgalku u baahan yahay farsamooyin casri ah iyo qalab heer sare ah.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in howlaha qodista ay si habsami leh u socdaan, isla markaana la dhammeystiray falanqeynta xogihii hore ee sahminta. Wuxuu xusay in hadda diiradda la saarayo baaritaanka iyo qiimeynta ceelka Curad-1 si loo ogaado nooca iyo baaxadda khayraadka ku jira.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda ay rajeynayso in natiijooyinka ugu horreeya ee qodista la helo dhammaadka sannadkan, inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in geeddi-socodka qiimeynta ceelka uu u baahan yahay baaritaanno farsamo oo dhammaystiran ka hor inta aan la soo saarin gunaanad rasmi ah.
Haddii ceelka Curad-1 laga helo kayd shidaal oo ganacsi ahaan loo soo saari karo waxay noqon doontaa helitaankii ugu horreeyay ee noocaas ah ee Soomaaliya. Arrintaas ayaa si weyn u beddeli karta mustaqbalka waaxda tamarta, waxayna furi kartaa fursado cusub oo maalgashi, shaqo-abuur iyo koboc dhaqaale oo dalka u horseeda ilo dakhli oo waara.
Si kastaba, ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in ceelka laga helay shidaal ama gaas ganacsi ahaan loo soo saari karo. Natiijada kama dambaysta ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo marka la soo gaba-gabeeyo qodista iyo dhammaan baaritaannada farsamo ee lagu qiimeynayo waxa ku jira ceelka Curad-1.

