26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Horjooge sare oo ka tirsanaa golaha shuurada Al-Shabaab oo la dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hawl-gal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamiga ah lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Golaha Shuurada kooxda Al-Shabaab, laguna magacaabi jiray Macalin Jinaaw Ibraahim.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawl-galkaasi uu dhacay 5-tii Luulyo 2026, kadib baaritaan iyo daba-gal sirdoon oo socday muddo 14 bilood ah.

Wasiirka ayaa xusay in hawl-galku uu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay kadib markii la xaqiijiyay dhaq-dhaqaaqa horjoogaha.

Duqeynta lagu dilay Macalin Jinaaw ayaa ka dhacday deegaanka Sabiyo oo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Basra ee gobolka Shabeellada Hoose. Wasiirka ayaa sheegay in horjoogaha lagu bartilmaameedsaday isaga oo ku sugnaa cariish ku dhex taalla beer, halkaas oo ay ilaalinayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Fiqi ayaa sheegay in Macalin Jinaaw uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa xubinta sagaalaad ee Golaha Shuurada kooxda. Sida uu sheegay, wuxuu door weyn ku lahaa dejinta istaraatiijiyadda iyo hagidda howlaha kooxda.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Macalin Jinaaw uu mas’uul ka ahaa hoggaaminta jabhadaha dagaallama, ururinta lacago baad ah oo shacabka laga qaado iyo abaabulka weerarrada Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ahaa la-taliye sare oo aad ugu dhow hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ku eedeeyay horjoogaha la dilay inuu mas’uul ka ahaa falal amni-darro oo ka dhacay gobollada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dilal qorsheysan, askareyn qasab ah oo carruurta lagu sameyn jiray, hub ka ururin lagu hayay beelaha iyo cabburinta waxgaradka deegaannadaas.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in dowladda ay si rasmi ah u xaqiijisay geerida Macalin Jinaaw, kaddib markii la helay xog sirdoon oo caddeysay inuu ku dhintay duqeynta. Wuxuu tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay howl-gallada lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka sare ee Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sannadihii u dambeeyay ciidamada dowladda iyo saaxiibbadooda caalamiga ah ay dileen tiro ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, isagoo xusay in howl-gallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga wiiqo awoodda hoggaanka kooxda.

Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana aysan joogsan doonin howlgalada lagu baacsanayo horjoogeyaasha kooxda meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeyntiina, wasiirka ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka iyo hay’adaha amniga doorkii ay ka qaateen howl-galka, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay saaxiibbada caalamiga ah taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee la-dagaallanka Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News