24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 21, 2026

Xogtii ugu dambeysay markab shidaal oo afduub loogu haysto xeebaha Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Markabka ganacsiga ee MT ASANA, oo ay Jimcihii ku afduubteen burcad-badeed Soomaali ah xilli uu marayay Gacanka Cadmeed, meel ka baxsan xeebaha dalka Yemen ayaa hadda la geeyey xeebta magaalada Caluula ee gobolka Raas Caseyr ee Puntland, sida ay werisay wakaaladda wararka AP.

Markabka oo ka diiwaangashan dalka Tanzania, una rarnaa Soomaaliya ayaa lagu weeraray meel qiyaastii 26 mayl-badeed (48 kiiloomitir) u jirta xeebaha gobolka Xadramuut ee bariga Yemen.

Koox hubeysan oo lagu sheegay burcad-badeed Soomaali ah ayaa la wareegtay markabka, iyadoo la rumeysan yahay inay madax-furasho malaayiin doollar ah ka dalbanayaan shirkadda iska leh.

Ilaalada xeebaha Yemen ayaa sheegay in xaruntooda howlgalladu ay xiriir la sameysay hay’adaha caalamiga ah iyo ciidamada badda ee ka howlgala gobolka si loo xaqiijiyo xaaladda markabka, loona dabagalo dhaqdhaqaaqiisa.

Xogtii ugu horreysay ayaa muujisay in ugu yaraan hal qof lagu arkay buundada laga hago markabka, isagoo markaas u jihaysnaa dhinaca xeebaha Soomaaliya.

Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sidoo kale xaqiijisay in dad aan loo oggolayn ay xoog ku fuuleen markab marayay koonfurta magaalada Al-Mukalla ee Yemen, halka shirkadda amniga badaha ee Ambrey ay sheegtay in markabka uusan la socon koox amni oo hubeysan, isla markaana uu diray fariin gurmad ah ka hor intii aan la qabsan.

MT ASANA oo hadda lagu hayo xeebta Caluula ayaa ku biiraya illaa afar markab oo kale oo ay burcad-badeeddu hore ugu haysteen xeebaha bari ee Puntland.

Afduubkan ayaa noqonaya dhacdadii ugu dambeysay ee muujineysa dib u soo laba-kacleynta burcad-badeedda Soomaalida, kaddib sannado ay weerarradoodu aad u yaraayeen.

Bishii Abriil, saddex markab ayaa lagu afduubtay muddo toddobaad gudaheed ah xeebaha Soomaaliya. Waxaa ka mid ahaa markabka saliidda qaada ee Honour 25 iyo markabka sibirka qaada ee Sward, oo ay burcad-badeeddu la wareegeen xilli uu kusii jeeday magaalada Mombasa ee Kenya.

Bishii May, markabka shidaalka ee Eureka ayaa sidoo kale lagu afduubtay xeebaha Yemen, kaddibna loo soo jiheeyay dhinaca Soomaaliya. Markabkaas oo ay saarnaayeen badmaaxiin Masaari ah ayaa la sheegay in burcad-badeeddu madax-furasho ka dalbadeen shirkadda iska leh.

Khubarada amniga badaha ayaa rumeysan in kooxaha burcad-badeeddu ay ka faa’iideysanayaan hoos u dhaca ciidamada caalamiga ah ee gaaf-wareegayay xeebaha Soomaaliya, maadaama qayb ka mid ah awooddooda loo wareejiyay Badda Cas iyo marin-biyoodka Hormuz.

- Advertisement -

Read more

Local News